Ciidamada Amisom iyo Kuwa Dowlada Oo La Wareegey Gacan ku Heynta Degmada Jalalaqsi

0
86

amisomCiidamada Amisom iyo kuwa dowlada  Somalia ayaa goor dhow la wareegay gacan ku haynta degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Degmadan ayaa waxay ahayd degmadii saddexaad ee gobolka Hiiraan oo ay awoodda ku lahayd Al-shabaab, iyadoo ciidamada dowladda iyo AMISOM ay galeen aan la kulmin wax iska caabin ah.

Shacabkii degmadaas ku noolaa ayaa weli ku sugan guryahooda, waxaana qaar ka mid ah ay u sheegeen warbaahinta inay degmada ku sugan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa caawinaya, xoogaggii Al-shabaabna ay isaga baxeen.

Qabsashada degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa noqonaysa degmadii ugu horreysay oo gobolkaas ee laga qabsado alshabab tan iyo markii uu billowday howlgalka Badweynta Hindiya wajigiisii labaad.

Daafeet.Com