Gudi ka kooban 13 xubnoo oo ay horey isaga soo xuleen golaha guursida koonfur galbeed somaliya uuna hogaaminaayo gudoomiyaha golaha guurtida Malaaq Xasan Shure ayaa waxaa ey mkaanta kulankii labaad kula yeesheen gudoomiyaha barlamanka Maxamed Sheekh Cusman Jawaari xarunta ciidama amisom ee garoonka shaati gaduud international baydhabo.
kulan oo ahaa kii labaad isla markaana ey saxaafadu dibad joog ka eheyd ayaa kolkii uu soo idlaadey ka dib waxaa golaha guurtida iyo saxaafadaba la hadaley gudoomiyaha golaha guurtida Malaaq Xasan Shure, Xasan Shure ayaa sheegey in jawiga kulanka uu ahaa mid walaaltinimo ah isla markaana dhinacyadu ey iska dhegeysteen aaraahdooda.
Sidoo kale ayaa Malaaq Shuure waxaa uu hoosta ka xariiqey inuu jawaari u sheegey in lexda gobol ey yihiin dowlad dhisan ka noqoshana aan laheyn ”Waxaan u sheegnay walaalkeen Jawaari innaan nahay maamul dhisan oo madaxweyne leh, wasiiro leh, baarlamaan leh, gole guurtane leh marka inaanan raali ka ahayn wax hada la dhisayo, waana ku dhimanaynaa lixda gobol” sidaas waxaa yiri mudane malaaq Xasan Shure Maxamuud, gudoomiyaha golaha guurtidka Koonfur galbeed
Daafeet.Com
Gobanimo waa u dhalasho Qowlkina ku adkeysta Allah garabkina ha galo. VIVA Mamul Dowladeedka 6 Gobol ee South West Somalia
Shacabka Koonfur Galbeed, guul. ku adkaysta inaan dhulkiina dadkale hadyad loo siin.
Diida xaqirka iyo duudga laydinkula bareerey.
Guul iyo inaad xaqiina heshaan aad u baahantihiin..
Comments are closed.