Sidii la sugaayey waxaa maanta magalada baydhabo gaarey wefdi uu hogaaminaayo sharwade Xasan Sheekh Adan ( Shariif Sakiin ) oo ey ka mid ahaayeen 3 Xildhibaan oo ka tirsan barlamanka dowlada federalka.
Wefdigan ayaa kolkii ey soo gaareen garoonka diyaaradaha shaati gaduud ee magalada baydhaba ayaa waxaa loga yeerey halka uu ka degen yahay magalada baydhabo gudoomiyaha barlamanka Maxamed Osman Jawaari gudaha Airpoka magalada baydhaba.
Kulan socdey in ka yar 15 daqiiqo ka dibayaa waxaa uu gudoomiyaha barlamanka u sheegey shariif sakiin in uu ku nagaado halka uu ku sugan yahay gudomiyaha barlamanka halkaas oo eheyd gudaha airporka.
Amarka uu gudoomiyaha siyey shariif sakiin ayaa waxaa uu imanayaa ayadoo dadka reer baydhabo diyaar garow aad ah u galey sidii ey uga hortegi lahaayeen shariif sakiin ayagoo xanibay ganacsiga iyo isku socodka magalada baydhabo.
Shariif Sakiin aya kol hore sidan oo kale mar uu yimid magalada baydhabo banabax looga soo horjeedey waxaa lagu diley wiil yar oo aan waxba galabsan kaasoo ilaa iyo hada cadalada la horkeenin kii diley iyo kii ka dambeeyey dilkiisa.
Daafeet.Com
nimanyohow aflagaada joojiya ilaahey ka cabsada wax dhaamo xasan shekh aadan
ilaahay kuma cafiyo mana kuiloobi doonaan reer baydhabo dhibaatada aad u gaysatay ilaahay waxaan kabaryayaa inuu adiga iyo inta kula wada dhibkan inuu idinku reebo, aamiinnnnnnnnnnnn
Comments are closed.