Allaha xaqa lagu caabudo ayaa mahad leh, Ammaan oo dhan isaga ayay u sugnaatay, qofkuu hannuuniyo ayaa hanuunsan, ninkuu lumiyana wax hanuunin karaa ma jiraan.
Akhristow, waan baqayaa, murug baa ila soo deristay, arrin welwel igu abuuray baa arladii laga soo sheegayaa. Kolkaan ugu liito bal aan qalinka ugu hiiliyo maatida mar walba dhibanaha ah.
Balaayo madax la qabto ayay leedahay minjo la qabto ma leh.
Ku dhowaad rubuc qarni ayay Soomalidu ku jirtaa dagaalo sokeeye oo aan dhamaad iyo ujeedo lahayn. Dhibkaas dhacay masiibadiisa ugu weyn wuxuu ku dhacay dadka Soomaliyeed ee ku nool Koonfur Galbeed ee Soomaliya gaar ahaan Gobolada Bay iyo Bakool. Waxaan joog u noqday in magaaladii xudunteyda ku duugneyd loogu magac daro “The City of Death”, ereygaas waa bar madow oo qalbigeyga ku taal.
Tusaale (Qiso dhab ah oo aniga igu dhacaday): Anigoo ka dagay Airport Heathrow ee London kolkii aan Passportkeyga Australian-ka ah u dhiibay officer-kii immigrationka markuu kala furay oo uu arkay inay iigu qoran tahay “Baidoa” meesha aan ku dhashay (Place of Birth) intuu isoo eegay ayuu cod naxariis ka muuqato iigu yiri “You’re lucky you made alive from the City of Death” oo macnaheedu yahay waad nasiib badan tahay haddii aad ka nooshahay magaaladii dhimashada. Akhristow waad garan kartaa xanuunka ay leedahay marka meeshii aad ku dhalatay sidaa loo tilmaamo.
Halgankii loo galay in laga xoreeyo magaaladaas Baydhabo dadkii ku soo duulay oo u diiday reer Baydhabo nolosha, dad baa u dhintay, dumar badan baa assay u qaaday, carruur badan baa agoon ku noqotay.
AHEEY WEY IYO CIIL, gulufka colaadeed ee maanta rag u heelan yihiin ka fiirsasho ayuu leeyahay. Siyaasadaha is-diidan ee ka taagan Arladii waxay u baahan tahay in rag iyo dumar, caruur iyo caroole, culumo iyo caamo loo istaago sidii loo joojin lahaa dhiig dambe inuu daado weliba ka dhex daado dadkii shalay halganka kuwada jiray oo hawdka injirtu ku gashay si ay u difaacaan dhulkoodii iyo dadkoodii.
Xusuus: Jabhaddii SNM markii ay dhulkoodii ka xoreysteen taliskii Siyaad Barre ayay hubkii isu qaateen oo dagaal lagu hoobtay halkaas ka dhacay. Abwaan Gaariye (Allaha u naxariisto) oo ka mid ahaa raggii soo jabhadeeyay ayaa 30kii,April,1992 wuxuu ku soo noqday dhulkiisii hooyo isagoo is leh Alleylehe cadowgii waad iska xoreyseen, mise wuxuu u yimid dadkiisa oo isku garaacaya hubka noocyadiisa kala duwan. Wuxuu maalinkaa tiriyey gabaygii caan baxay ee ERGO. Haddaan in yar ka soo qaato gabaygiisa oo ku aadan arrinka maanta ka taagan Baydhabo waxaa ka mid ah:
Waxaan ahay nin arkaya -maanka laaga Ogsooniyo asaraarta dhex yaala – isha laacu u Muuqdo waxaan ahay nin arkaaya- umadayda Tasowday ee usha loo qaban waayey- ee aniga Iga bilow oo abwaankeedu ka seexday- wax Aqoonkii tabaysa afweynoo laga reeyana- Ujeedaa uga dambeysay.
Waxaan ahay nin arkaaya- mar kastoo ayax guuro In uu eel ka tagaayo- walibana aad uga sii xumoo Libinteyda af-duuba.
Waxaan ahay nin arkaaya ayaankaygii shi’ dhaafay
Markii loo injireystay -oo madow daba-keeniyo
Isagoo ducanayaa dirqiga- weysha ku ooftayoo
Idinkoo qof maqnaynoo- indhihiinu shan yihiin
Mar labaad ambanaaya.
Waxaan ahay nin arkaaya- ulajeedo habowday
Ididiilo hungowday -ooda geel laga qaadayoo
Hal taal gundihiisa -ayaanlow naxdin joogta
Aayatiinkaba saaran -Aheey way iyo ciil
Umalkeyga hiqdeyda – calool oyga nafteyda
Ilmada iga da’aysiyo- imtixaanka i haysta.
Ma dhulkaa i ashkateeyey -ma cirkaa iga ajooday
Ma badaa igu ugaajay -ma abdaanan lahayn
Ma dab baan isku ogaa – anigu aan isku daaray
Islaantii curadkeeda -kolkay Eydu cunaysay
Ax doraad odhan weyday- markii ay arki weyday
Wax guda oy ku ilowdo- noloshii inankeeda
Inay maanta u oydo- inteeday ku sugaysay
Oori weerku ku raagayoo -geeridii odeygeedu
Afaafkay ku banaysay- ninkii owdi lahaa
Isagii fadhataystey -yaan u eersa nidhaa
Ninkii aarsa yiqiinay -haduu aarsaday maanta
Uu-fanayskiina guuray- iyana waa iga su’aale
Tolow yaa colka eega -loo abaabulayaa?
Tolow yaa ilma dayday -ulmadeydii u loogayoo
Ilma dowgii ka reystay -Yaa u aana ah maanta
Udunteyda halowday -eebadayda ku fiiqan
Ayaantay kululaato -kaan u eeran lahaa
Yaa u aana ah maanta.
Birta layska as-laayiyo -galkey siibtay ableydu
Yaa u aana ah maanta- mar labaad ubadkeena
Sidii Ey la guhaadshay- in ilkaha lagu qaado Unugtii shaleytoole- isku meesha u jeeday Iminka yaa iska hor jeedshay.
Laba oorya walaaliyo- ilmaadeer is maquunsha
lama sheegin aduunkee -marka aan ugu liito
Mar aan eeda sokeeyiyo- ilmahayga ku waayo
Mar aan aayo la’aanta -seedigay ugu aaro oo
Walaashay asay qaado -mar haday aqalkayga
Haddi layga adkadiyo- hadaan raystey idhahdaba
Mar lay oohin u tahay -bal maxaan istafiiday?
Afartii garjahoodba hadaan- soo wada ooday
Xageen geela irmaaniyo- markey beeshu haraado
u aroorinayaa?
Sow anigu gacmahayga -kuma dheebin ishii
Berri loo irkan lahaa -wixii aan ku if waayey
Kuna aakhiro seegay -durba sow ma ilaawin
Ubaxaan xinjirteydiyo -ka ab-qaalay jidhkeyga
Kolkii aan is awaaday -udaabteys iyo ciil iyo
Odax sow kama goosan.
Haduu geedkii abaaday- markuu oomaba
Ubadka dhiiga looga shubaayey- sow ataar li’i maaha.
Gadhlow awr kala guurtey- la arkee mar kaleeto
In ay ood ku kulmaana -haduu uur kala guuro
Sow amuur culus maaha -ololihii halgankeena
Cuf u soo wada guulka -dhib waxaan u adkeystay
Waxaan is-lahaa mar uun baad arligaagiyo
Iyadoon faqash joogin-kula iidi dadkaadee
Kolkii waagu iftiimay- sidaan ahay Ina dhoore
Usarkaan ka dhex toosay -indha u daranaa
Marka duul asal guuro- in Ilaah ka biyeeyo
Dadkoo yaala abaar -haduu roob iba dooxmay
Ku bashiisho agteyda- intaan soo ordayaabaa
Darku sii engegaa -Abuur baan ku tabcaa
Irfidaan geliyaa- iniin baan ku ridaa
Udan bay bixisaa -gooso baan is-idhaa
waa la ii arfacaa.
Abley baan ramiyaa -afeeyaa shirabaa
Adhaxdaan is jaraa -oogso baan is-idhaa
afweyntaan u dhacaa.
Akhristow waxaa aad iyo aad ii dhibeyso in dagaal sokeeyo ka dhaco Baydhabo, waxaad aad ii dhibeyso in Agoontu ku badato Baydhabo.
Labo Xasan waa naga dhinteena Xasanyaal badan yeysan naga dhiman (Malaaq Cabdi Garuun- AUN)
Waxaan reabaa inaan hal mid XUSUUSIYO garbaha isku haya siyaasadda Koonfur Galbeed Soomaliya inaad hal cadow leedihiin. Idinkaa la isku kiin lafo jebinayaa hadhowna inta hartay qori caaradii baa loogu talinayaa.
Caqligu ha shaqeeyo, waxaad leedihiin taariikh fog oo ku dhisan nabad iyo deris wanaag, walaaltinimo, FADLAN yaanu cadowga idinka faaideysan.
Walaalaheyga website-yada ku soo qoro hadalada xanafta leh ee banziinka ku shubaya dabka waxaan leeyahay:
- Af-xumo nabad waa kaa kaxeysaa colaadna waxba kaagama tarto.
- Arrad waa dan USKAGSE waa doqonnimo.
Afeef: Qoraalkeygu cidna si gaar ah uma durayo, waxaanse u hiilinayaa haweenka, carruurta, waayeelka iyo dhallinyarada aafada dagaalku saameyn doonto.
(Wax maantu fartu gaarto oon beri faras gaari karin baa jira ee hala feejignaado)
Walaalkiin
Dr Aweys Cabdi Jidle
Perth, Australia
ciyaalbaydhabo@gmail.com
Aweys abdi adiga ma labeyn mana dhidigeyn ee sadex dabeecada ka mid ma aha.
Comments are closed.