Magaalada Baydhabo ayaa waxaa si weyn loogu soo dhaweeyay maanta xildhibaanno taageersan maamul lixda gobol ka kooban ee koofur-galbeed, kuwaasoo ka qaygbalay xaflad lagu caleemo-saarayay guddoomiyaha cusub ee maamulka Koonfur-galbeed, Cumar Dheere.
Xildhibaannadan ayaa waxaa hoggaaminayay, Sh. Aadan Midoobe iyo Maxamed Ibraahim Xaabsade, iyagoo ku dhawaaqay inay taageersan yihiin maamulka lixda gobol ee horay looga dhisay Baydhabo.
Mudanayaashan ayaa waxay goobjoog ka ahaayeen caleemo-saarka Cumar Aadan Xasan (Cumar Dheere) oo dhawaan loo doortay guddoomiyaha golaha baarlamaanka maamulkan, taasoo ka dhacday xarunta ADCd-da Baydhabo.
Sidoo kale, caleemo-saarka ayaa waxaa kasoo qaybgalay ururrada bulshada rayidka ah ee Baydhabo, shacabka iyo mas’uuliyiin kale, waxaana ka hadlay guddomiye ku xigeenka gobolka Bay Cusmaan Macalin oo kusoo dhaweeyay xubnihii Muqdisho ka yimid, isagoo soo bandhigay siyaasadda meesha ay ka soo billaabatay iyo meesha hadda marayso.
Xildhibaan Xaabsade oo khudbad ka jeediyay goobta ayaa muujiyay sida uu u taageersan yahay maamulka lixda gobol ka kooban, uuna taageero joogto ah la garab taagan yahay, isagoo sheegay in maamulkan mid aan ahayn aan laga dhisi karin Baydhabo.
Waxaa kaloo munaasabadda ka hadlay guddoomiyihii hore ee baarlamaankii KMG ahaa ee Soomaaliya, xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe iyo xildhibaan Afaraale oo iyagana sheegay inay taageerayaan maamulka, ayna magaciisa ku matalayaan baarlamaanka Soomaaliya.
Gabagabadii waxaa madasha ka hadal ka jeediyay guddomiyaha golaha guurtida Xasan Shure Maxamuud oo ku baaqay in berri la sameeyo dibadbax lagu taageerayo maamul goboleedka Koonfur-galbeed Soomaaliya ee lixda gobol ka kooban, kaasoo uu sheegay inuu noqdo mid nabadeed.
Hurdaayoow Ku Quus Qaado Sawirada
Daafeet.Com
waa guul aan horey inoo soo marin , gacalkoo ku farax nacabkoo ku nax ee ku dhimo,,
asc waxaan ku baaqayaa reer baydhabo taariikhda meel fiican ayaa ka gali doontii haddii aad rabitaankiina ka dhabeysaan oo aad iska diidaan dulmiga iyo dhulboobka aad aragtaan kuwo hunguriga rabo oo dhulkiina inay iibsadaan rabo waa inaad cod xoogan ku diidaan dhulkiina waa inaad dhiiga u daadisaan kuwa qaadaqatayaasha ah waa inaad ka bilaawdaan kuwa kale iyagaa quusanaayo dhibka idin haysto waa kuwa dhiigooda aad leedihiin marka iyaga ka billaawa ayagaa dhibka wadee wadaniyada waa loo dhintaa ee tariikhda baal dahabi ayaa ka galaysaan ee gumeysiga cusub iska qabta
Naftoodahuriyaashii.lagulaayey.baydhabo..oosababla.adan.jidloogutoogtey
Hadawaa.inaad.waxkaweydiisiin
Kinshasa.idinlajooga.oilfields
iskusheega
Haddii qabiil weliba uu garto danahiisa waa kee qabiilka maanta oo sh/hoose dega oo ay dani ugu jirto in looga taliyo Bay&Bakool.
Digil waa u dhammaatay,ciddi laga xukumi laha Bay iyaguba xur bay u yihiin,kolleyba wixii maanta ka danbeeya xaalku wuxu ku dhammaan doona :Ninbow nafta Nawiyo Ummuda ?
Eedow Goodiyow Bay iyo Bakool waxaa dega walaalaha Digil la dhashey mana ahan kuwii biyaha Qoryooley neefkii 500 shilling ku canshuuri jirey oo jeebkooda gashan jirey ee qodon baa tahaye meel fariiso. Doqonkana xariga lagu xiri lahaa xusulada ayuu ku sitaa isagaaba sito wax ku xiro ayuu rabaa oo keliya.
anaga hadaan nahay digil anagaa ogol in shabellaha hoose laga xukumo bay iibakool dadka diidan oo digilna sheekta waa kuwa axmad diiriye iyo xaad udawda dhaqa cirfo aa isga cararay gobalka ugu dawataga galgaduud hadaa jeceshihiin dawa dhaqoow
waxa Guul ah in la Gartay Danta umada lana kasay kuwa dhulkan iyo dadkiisaba dhibaatada la dul taagnaa waxaa guul ah hadii leysla kasay wanaaga Guul Noo dhiman waa madaxweynaha oo ka soo Qudbadeya kismanyo Bucale Sh/ Hoose Bakool & Gedorabitaanka dhulkena in aan isla haysano id ka Hor iman karta majirto idii iska deysa in ka Hortimado
wan ka hor imaneynaa wana iska dhicineynaa kuwa Doc ka yeerayaasha warkoda uma fadhino goboladana 6 da ahna id kala qadi karto ma jirto
Comments are closed.