Dowlada Federalka Somaliya Oo Digniin u Dirtey Shirkadaha Raba Iney Shidaal Ka Baraan Dalka

0
52

patrolWasaaradda Macdanta iyo Batroolka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka digtay shirkadaha shidaalka ee sida sharci darrada ah u sahminaya batroolka dalka, iyadoo cidii lagu arka laga qaadi doono talaabo sharciga waafaqsan.

Agaasimaha Qorsheynta iyo horumarinta Wasaaradda macdanta iyo Batroolka Maxamed Cali Nuur Xaaji oo la hadlay Warbaahinta ayaa tilmaamay inay u digayaan shirkadaha sheeganaya lahaanshiyaha baro shidaal oo ku yaalla dalka, isagoo xusay in Maamul goboleedyada dalka ka jira aysan geli karin heshiisyo ku saabsan dhanka wax soo saarka shidaalka.

Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa wadda qorshe ah in shirkadaha ajnabiga ah ee danaynaya in ay soomaaliya ka sameeyaan baaritaano la xiriirka sahminta Macdanta iyo Batroolka dalka aysan arrimahaasi kala hadli Karin Maamul Goboleedyada dalka ka jira, ayna si toos ah u soo maraan waddooyinka sharciga ah.

Si kastaba arintu ha ahaatee beryahan dambe waxaa somaliya kusoo badanaya shirkado shegaya iney sharciyo u heystaan in ey baaritaan la xiriira gaaska ka sameyn karaan gudaha dalka.

 
Daafeet.Com