Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde ayaa sheegay in sida uu caalamku u arko dilka hoggaamiyaha Al-shabaab u arkaan, isla markaana la fikir yihiin beesha caalamka.
Wasiirka oo shirjaraa’id oo uu kaga hadlayo Diiwaangelinta madaniga ah oo la waydiiyey sida ay u arkaan dilka hogaamiyaha Al shabaab Axmed Godane ayaa si kooban u sheegay inay soo dhoweynayaan dilkaasi.
“Sida uu caalamku u arko ayaanu u aragnaa… Adduunka ayaana kala siman-nahay, qof kasta oo daalim ahna waanu soo dhoweynaa in la dilo,” ayuu si kooban u yidhi wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Cali Warancadde.
Hoghaamiyihii Al-shabaab, Axmed Godane ayaa kasoo jeeda magaalada Hargeysa, isla markaana lagu xasuusto qaraxyo uu ka fuliyey magaaladda Hargeysa 2008 kii, waxaana maxkamada Hargeysa xukuntay isagoo maqan.
Daafeet.Com
somaliland waa meesha laga soo diray Godane loona soo diray dhulka somaliyeed qaasatan dhulka koonfur ay kasoo jeedaan dadka soomaaliya ugu badan ee hawiye inuu xasuuqo marka somaliland wayba kanaxeene in laga dilay Godane oo ilaa siilaanyo ayaa ka xumaaday markaasaa na leedihiin way soo dhaweeyeen.hadii aad tihiin dadka laga tiro badan yahay ee biyomaal ama eelaay waxaan idin dhihi lahaa siyaasada kaga danbeeya waligiin hawiye hadii kale xabada way idinku socondoontaa ilaad ka toobad keentaan.waana xaqiiq taas yaanan ladhaleelsan hadalkaas
Comments are closed.