Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid shir aan caadi ahayn oo shir gudoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed.
Shirka ayaa looga hadlay amniga guud ee dalka, iyadoo golaha Wasiiradu xilkii ka qaadeen Agaasimihii Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya Cabdulaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).
Afhayeenka Xukuumadda Ridwaan Xaaji Cabdiweli oo saxaafadda la hadlay kulanka kaddib ayaa sheegay shirka golaha Wasiirrada in warbixin ku aadan amniga guud ee dalka laga dhageystay Wasiirrada Amniga Qaranka iyo Gaashaandhigga.
Sidoo kale wuxuu sheegay Afhayeenka in xilkii agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya laga qaaday Mudane C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) si ku-meel gaar ahna xilkaasi loogu dhiibay ku xigeenkiisa.
Daafeet.Com
si xilka looga qaado raysal wasaaraha waxaa looga yeeray baydhabo jawaari iyo koox kale ayaa sidaa kula taliyay inuu yeelo raysalwasaaruhu wana uu yeelay waa cinqilaab baydhabo laga soo abaabulay sidaana waxaa noo cadeeyay amina eelay oo nabadsugida ka tirsan haysatana dhalashada ingiriska iyo degenansho maraykana
Comments are closed.