Gudoomiyaha degmada Qoryooleey Maxamed Xaaji Cusman “Gaagaale”,ayaa sheegy in waqtigaan la joogo xilligii dadku ay tacban jireen beeraha laakiin ay jiraan dhibaatooyin fara badan oo heysata dadka beeraleyda.
Mr Gaagaale ayaa tilmaamay in Dowlada Federaalka uga baahan yihiin dadka beeraleyda laga caawiyo sidii ay u heli lahaayeen Kanaalo beerahooda ay ku waraabsadaan.
Gudoomiyaha degmada Qoryooley Maxamed Xaaji Cusmaan ayaa ugu baaqey Wasaarada Beeraha Xukuumada Soomaaliya inay u istaagto sidii dadkaasi Beeraleyda ah looga gacan siin lahaa agabyada ka saacidaaya inay tacbadaan dhulkoodaa iyo waliba baahiyaha kale ee dhanka beeraha ay qabaan.
Shacabka ku nool Qoryooleey ee gobolka Sh/hoose ayaa saameyn waxaa ku yeeshay abaarta dalka ka jirta,waxaana in mudo ah ahaayeen kuwo ku nool tacbashada beeraha iyo wax soo saarkooda.
Daafeet.Com