Gudi isugu jira aqoonyahan, ganacsato, indheer-garad, odeyaal, haween iyo dhalinyaro ka soo jeeda degmada Wanlaweyn ayaa isku howley sidii ay u dhisi lahaayeen isbitaal.
Howshaan ay bilaabeen jaaliyada degmada Wanlaweyn ayeysan ku koobnaan doonin dhisida isbitalka waxay kaloo ku howlanyihiin sidii daawo iyo qalab loo gaarsiin lahaa isbitalka iyo goobaha caafimaad ee ka jira degmada.
Maxamed Cabdulaahi mursal oo ah gudoomiyaha jaaliyada ka soo jeeda degmada Wanlaweyn oo u waramey warbaahinta Arlaadi ( Koonfurgalbeed) ayaa wuxuu baaq u direy dhamaan inta ku dhalatey ama u dhalatey iyo ku wa ku dhaqantey degmada inay ka qeyb qaataan hormarinta Degmadooda.
Jaaliyada Wanlaweyn ee ku dhaqan Sacuudiga ayaa bilaabey talaabo hormarin ah sidoo kale “Jaaliyadaha Mareykanka, Yurb, Afrika iyo caalamka intiisa kale waxaa looga baahanyahay inay garab istaagaan dadkooda sidii wax loogu qaban lahaa arimaha bulshada sida iskuulaadka iyo caafimaadka” sidaasi waxaa yiri Gudoomiyaha jaaliyada Wanlaweyn ee K.S.A.
Gudigaan la dhisey ayaa noqonaya mid howshiisa ay ku koobnaan doonto keliya hormarinta arimaha bulshada waxayna meesha ka saareen inay ka shaqeyn doonaan wax siyaasad ah sidoo kale waxay baaq u dhiraan dhamaan dadka ku dhaqan degmada gudaheeda iyo dhibada inay howshooda kala qeyb qaataan.
Tan iyo burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya jaaliyadaha dibada ku nool ayaa ahaa qeebta ugu badan ee hormarin ka geysata deegaanada ay ka soo jeedaan tanina waxay noqonaysaa talaabo ku dayasho mudan,
Daafeet.Com
waxaa su’al ah kuwa jaliyada wanla weyn dhistay markan maxey u la xiriiri wayeel daafeet Medina laba jaliyada må u dhantahay Reer daafeet ama shanta caleemo jawaabta waa maya war hadii wax la qabsanayo kii ka dhumay xita waa la radsada reer wanla weyn maxey is radsadan ayagiyaba kala dhumana war saudi Arabi meeqa ayaa KU nool oo reer daafeet ah on lala xiriirin op diyar la ah waxii wadanka wax logu qabanayo oo wax tar ah ee meesha hadey is wacatay sadax laf oo kaliya taas macnaheda waxaa waye beledkaba iney ayaga is laheysiyeen tasna waa qalad shanta calemo shabelaha hoose waxa ka dhacayo waliged wey ka indha dawolata waxey Isla dhigta iney ka tirsaneen ogow hora waxa Loo yiri ushi walaalka lagu tumo gumadkeda adiga ayow ku yala marka waa idinka kala dhumanayo ama midba midka Kale i skala weyn waxaan Odin dhihi laha shekada saan ka badala ee calamka wax la qebsada kuwa yurub iyo America jooga waxaa laga sol dhisay waa ama Somalia ama sidino Kale saudi africa dhexdeda ee isku deya inad markad wax qabaneysan walalihiin xiririsiin op wacdan arinkan Ayaan rabna aan Isla kashana dhah kaligiin waxaad tihiin far Varna kaliged waji må dhaqdo
Comments are closed.