Wararka ka imanaya magalada baydhabo ayaa sheegaya in khilaaf xoogani uu soo kala dhex galey gudoomiyaha barlamanka maxamed sheekh osman jawaari iyo wasiirka dhalinyada iyo isboortiga khalid cumar cali.
Khilaafka labada masuul oo soo taagnaa tan iyo jawaari intuu tegey magalada baydhabo ayaa maalinimadii shaley kuln ey ku yeesheen magalada baydhabao labadan masuul ayaa ugu dambeyn ey ku kala boodeen,
Wasiirka dhalinyada iyo isboortiga khalid cumar cali ayaa waxaa uu xubin ka yahay gudiga maamul u sameynta 3da gobol bay, bakool iyo shabeelha hoose halka gudoomiyaha barlamanka maxamed sheekh cusman jawaari uu u joogey magalada baydhabo inuu isfahan dhex dhigo qeybaha siyaasada isku maan dhafsan ee ku wada sugan magalada baydhabo.
Khilaafka labadan masuul ayaa warar ey heleyso daafeet media waxaa ey tibaaxayaan in uu salka ku hayo wasiir qaalid oo taagan dhismo 3 gobol taasi oo maxamed sheekh cusmaan jawaari ka biyadiidey.
Shaley ayey eheyd kolkii uu wasiirka dhalinyarada iyo isboortiga khalid uu kaga dhawaaqey magalada baydhabo in shir maamul logu sameynaayo gobolada bay,bakool iyo shabeelaha hoose uu ka furi doono magalada baydhabo taasi uu aad uga caroodey gudoomiyaha barlamanka maxamed sheekh osman jawaari.
Daafeet.Com
Khaalid wuu washay daba dhilif nimo loma bahno Ayan leyahay ee dadkaga dhinac ka raac
Comments are closed.