Prof Jawaari oo Maanta Shir Jaraa,id ku Qabtey Magalada Baydhaba

0
82

Mudane-JawaariWaxaa maanta magalada baydhabo shir jaraaid ku qabtey gudoomiyaha barlamanka maxamed sheekh osman jawaari gudoomiye jawaari ayaa shirkiisa jaraaid waxaa uu kusoo bandhigey guud ahaan kulamadii uu la qaatey qeybaha kala gedisan ee siyaasiyiinta isku maan dhaafsan mamul u sameynta gobolada koonfur galbeed somaliya.

Gudoomiye jawaari ayaa waxaa uu hoosta ka xariiqey rabitaanka shacbiga koonfur galbeed somaliya iyo uu yhay mid ayaga looga fadhiyo iney go,aan ka gaaraan masiirkooda shacabkuna waxaa hogaan u ah odoyaasha dhaqanka beelaha oo u taagan in ey shacabka ku hogaamiyaan danahooda.

Sidoo kale ayaa gudoomiye jawaari odayaasha dhaqanka uu aad ugu adkeeyey iney u istaagaan ka dhabeynta go,aamada ey gaareen oo ah in ey sameystaan maamul koonfur galbeed.

Shirkan jaraaid ee uu godoomiyaha barlamanka maxamed sheekh cusmaan jawaari uu ku qabtey magalada baydhaba ayaa waxaa uu imanayaa iyadoo maalinimadii shaley uu magalada baydhabo ka dhacay bananbax lagu diidan yahay waxa loogu magac darey maamul u sameynta 3da gobol.

 

Daafeet.Com