Maamulka Koonfur-galbeed ee lixda gobol ka kooban ayaa sheegay in lagu guul-darreystay kulan ay la yeesheen guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, kaasoo ku saabsanaa sidii la isugu soo dhaweyn lahaayeen dhinacyada muransan.
“Natiijo la’aan ayay ku dhammaaday kulan aan la yeennanay Prof. Jawaari kuwaasoo la doonayay in lagu dhexdhexaadiyo, mana garanayno shirka dib u heshiisiinta ah cidda ka qaybgalaysa ama loo qabanayo,” ayuu yiri C/llaahi Maxamed Idiriis oo ka mid ah wasiirrada maamulka lixda gobol.
Idiris oo sii hadlayay ayaa yiri: “Shirka dib u heshiisiinta uu ku dhawaaqay guddoomiyaha baarlamaanka… yaa loo qabanayaa… waayo innagu waxaan caddeyneynaa in kulammadii ka dhacay Baydhabo ay guul-darreysteen.”
Sidoo kale, wasiirkan wuxuu sheegay inay kasoo horjeedaan in Baydhabo uu yimaado ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed, maadaama wasiirro aan wax shaqo ah ku hayn arrimahan loosoo diray, isla markaana aan qaabilsanayn howlaha nabadeed ee Baydhabo laga wado.
Maamulka lixda gobol ka kooban ayaa kasoo horjeestay qorshe ay dowladdu ku doonayso in lagu dhiso maamul gobleed ka kooban saddex gobol, kaasoo la sheegay in shirkiisa uu ka furmi doono dhawaan magaalada Baydhabo.
Daafeet.Com