Madaxweynaha Dowlada Federalka oo Maanta Gaarey Degmada Baraawe

0
67

xasan sheekhMadaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor-dhow ka dagay degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose, iyadoo Al-shabaab ay sheegtay inay weerareen diyaaraddii sidday madaxweynaha.

Wafdiga madaxweynaha oo ay Muqdisho ka qaadday diyaarad kuwa qumaatiga u kac ah ayaa si nabadgalyo ah uga dagtay degmada Baraawe sida uu sheegay guddoomiyaha degmada Baraawe oo magaciisa kusoo koobay Shaacir.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa degmada Baraawe si weyn ugu soo dhaweeyay xubno ka tirsan maamulka gobolka, kan degmada iyo weliba saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Kormeerka madaxweynaha iyo wafdigiisu ay ku tagen Baraawe ayaa wuxuu imaanayaa isagoo shalay sidan oo kale u booqday degmada Cadale oo ka mid ah degmooyinkii ay ciidamada dowladda iyo AMISOM kala wareegeen Al-shabaab bishan Oktoobar kowdeedii.

Degmada Baraawe oo 200-km Koonfur kaga beegan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa ahayd saldhigga ugu weyn ee Al-shabaab ay ku lahayd Koonfurta Somalia, iyadoo madaxweyne Xasan uu noqonayo madaxweynihii uug horreeyay oo degmadaas booqda muddo ka badan 22-sano.

 
Daafeet.Com