Kashifaad: Hey’add Swisso-Kalmo oo Deeqihii Caalamka Ku Iibsatay Aseendooyin Iyo Hub Culus oo Ay Geysay Gobolka Shabeelaha Hoose (VIDEO)

2
45

imgresHey’add beeleedka SWISSO-KALMO oo uu maamulo dhagarqabe Abdi Abdulle Hersi ayaa deeqihii samafalka shacabka Soomaaliyeed ku soo gadatay hub culus oo isugu jira baabuur Tikniko ah iyo qori gacmeedyo aad u farabadan oo isugu jira qoryaha loo yaqaano PKM iyo AK47.

Hubkan waxaa dhawaan Hey’adda SWISSO-KALMO kusoo kordhiyeen hubkii horey ugu xasuuqi jireen shacabka deegaanka Sh/hoose, hubkaan cusub ayaa lagu soo aruuriyey beer aseendo ah oo lagu gaday dhaqaalihii samafalka ee loogu tala galay shacabka tabaaleysan ee Gobolka Sh/hoose.

Siyaasiyinta, waxgaradka iyo odoyaasha dhaqanka gobolka Sh/hoose waxey ku baaqayaan in deeq bixiyayaashu baaritaan caalami ah ku sameeyaan dhibaatada Hayada SWISSO-KALMO ka wado Shabeelaha hoose lagana joojiyo dhaqaalaha hayad beeleedka lagu lunsado dhaqaalaha loogu talogalay shacabka tabaaleysan.

Hey’adda SWISSO-KALMO waxaa Maamula dhagarqaboyaal isku beel ah oo lagu kala magacaabo Abdi Abdulle Hersi, Nuur Sheikhdon,  Sheikdon, Mustaf Goobdoon iyo Mooryaanka ugu magacaaban Xisaabiyaha guud Dhagarqabe Ali Ilmi Sheikhdon, Dhagarqabe Ali Ilmi wuxuu SWISSO-KALMO u qaabilsan yahay dilalka qorsheysan iyo barakicinta beelaha deegaanka, wuxuuna ahaan jiray mid kamid ah ilaalada baabuur Janta Diyeeshe ah oo uu lahaa adeerkiis Nuur Magdo.

SWISSO KALMO waxaa maamulaan dhagarqabeyaal isku beel hoose ah kuwaa oo kala ah Dhagar qabe Abdi Abdulle Hersi, Nur Sheikhdon, Ali Ilmi Sheikhdon, Mustaf Goobdoon iyo Cali Nuure oo ka tirsan xarakada Takfiirka, Cali Nuure oo ah qabqable dagaal kucusub deegaanka Shabeelaha hoose ayaa hayad beeleedka SWISSO-KALMO u qaabilsan mooryaan kusoo aruurinta deegaanka , dhagarqabahaan waxaas hore uga magacaaween xil maamul kusheegii burburay ee shabelle state.

Dhaqaalaha loogu talo galay samafalka oo deeq bixiyayaasha Caalamku bixiyaan looguna talogalay dadka tabaaleysan oo la marsiiyo SWISSO-KALMO ayaa dhowaan dhagarqabe Abdi Abdulle Hersi iyo Ali Ilmi Sheikdon ku gateen beer weyn oo can ah oo ay lahaayeen reer Cali Faas, beertaan ayaa lagu iibiyey dhaqaalihii loogu tala galay samafalka oo gaaraayo aduun dhan Nus Malyuun doolar (500,000$).SWISSO-KALMO waxaa dhaqaalaha siiya Hayadaha UN-ka iyo kuwa INGO –ga Caalamiga ah oo fadhigoodu yahay Nairobi , Hayadahaas waxaa kamid ah UNICEF, UNFPA, WFP, WHO, FAO, World Vision, CHF, Global Fund TB, Malaria iyo Global Fund HIV, dhaqaalaha hayadahaan ayaa noqday kuwo lagu barakiciyo shacabka Tabaaleysan ee shabeelaha hoose, Dawladaha Deeqda bixiya iyo Hayadahaan caalamiga ah ayaan ogeyn dhaqaalaha faraha badan ee ay siinayaan hayad SWISSO-KALMO ineey isu bedeleen dhaqaalo ay gaar uleeyihiin sidii ay rabaana u isticmaalaan dhagarqabayaashaan walaalaha ah Abdi Abdulle Hersi, Ali Ilmi Sheikdon,Nur Sheikdon iyo Mustaf Goobdoon. Hayadahaan sii qeybiya lacagaha deeqbixiyayaasha caalamku ugu talao galeen dalka Soomaaliya ayaa SWISSO-KALMO siiya dhaqaalo isku hal mashruuc ah iyaga oo aan iska warqabin amaba aanba dan ka laheyn, taasoo u sahashay Abdi Abdulle Hersi inuu Isbitaalo waaweyn ka furto Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Cabdi Cabdullahi Xersi ayaa si hoose ugu sheegay dad aad ugu dhow in qaar kamid ah saraakiisha Hayadaha UN-ka iyo kuwa INGO-ga oo isugu jira Ajnabi iyo Soomaali-ba inuu kala dhaxeeyo Macaamiil uu ku siinayo dhaqaalo mashruucii ay soo dhameeyaan-ba, Saraakiishaas ajnabiga iyo Soomaalida isu jira-ba ayaan mid mid usoo qaadan doonaan qoraaladeena danbe ee lagu soo bandhigaayo musuq maasuqyada baahsan ee hayadaha samafalka ka wadaan soomaaliya.

Qoraalada lagu soo bandhigayo sirta qarsoon ee ka hadlaya Musuqmaasuqa ayaa noqon doona kuwo isdaba joog ah.

Halka Hoose Ka Daawo Nafaqo Loogu Talagalay Caruur oo  Hey’adda Swisso-Kalmo Iibsaneyso oo La Qabtay.

2 COMMENTS

  1. Habargidir iney dhexgeyso oo ay xaraan kawaan toobeyso ninkii aduun ka sugaayow la arki doonee Tiiceey iyo Afweyne oo malaayiin doolar madax furasho maraakiib ku qaadan jirey. Qandaraas filim Bilgim jeel ugaley. Calool aan dhergin ayaa lagu habaarey ha sugina iney cidaas xaraan la aan noolaadaan

Comments are closed.