Qarax aad u weyn oo kol dhaweyd ka dhacay wadada Maka Al Mukarama ee magalada muqdisho ayaa waxaa la sheegaya in ay ku dhinteen ilaa iyo 10 ruux dhaawacana uu kor u dhaafey in ka badan 13 ruux. .
Qaraxa oo ahaa mid loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo la dhigay illinka hore dhismaha oo ay ku yaallaan baar laga qaxweeyo oo lagu magacaabo Oromo Cafe, halkaasoo ay dad badan ku qax-weynayeen.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in dad badan oo baarka fadhiyay iyo kuwo kale oo goobta marayay ay waxyeello xooggan kasoo gaartay, iyadoo aan weli la ogeyn dadka ku dhintay tiradooda, iyadoo wararka hodhaca ah ay sheegeen inay ku dhinteen 10-qof.
Halka uu qaraxu ka dhacay ayaa ahayd goob ay dad badan ku sugan yihiin, iyadoo sidoo kale ay qaraxyo kale dhaceen, iyadoo goobta oo dhan ay xireen ciidamada dowladda Soomaaliya.
Ma jirto cid sheegatay inay mas’uul ka tahay qaraxan, iyadoo sidoo kalena aysan weli hay’adaha amniga dowladdu ka hadlin qaraxan iyo khasaaraha uu geystay, mana ahan markii ugu horreysay oo uu qarax noocan oo kale ah uu ka dhaco Muqdisho.
Daafeet.Com