Madaxda Dowlada federalka somaliya Xasan Sheekh ayaa si kulul u cambaareeyay qarax ismiidaamin ahaa oo xalay lagu dilay dad rayid ahaa oo ku sugnaa maqaayad laga cunteeyo oo ku taalla waddada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa weerarkaas ku tilmaamay mid wuxushnimo ah, wuxuuna ku eedeeyay inay ka dambeysay Al-Shabaab.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in weerarkaas uu yahay mid aad u xanuun badan oo lagu dhibaateeyay dad aan waxba galabsan, balse dhanka kale uu yahay mid muujinaya rajo-xumada heysata Al-Shabaab.
Inta la xaqiijiyay 13 qof ayaa ku dhimatay 18-kalena way ku dhaawacmeen weerar lagu qaaday maqaaxi lagu magacaabo Aroma Café oo ku taalla waddada Maka Al-Mukarrama ee magaalada Muqdisho.
Daafeet.Com