Munaasabad lagu xusayay sannad-guurada 60-aad ee kasoo maalinta calanka Soomaaliyeed ayaa xalay lagu qabtay magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka hadleen munaasabadda madaxda dalka oo shacabka ku boorriyay in maalintan oo kale ay mudan tahay in la weyneeyo.
Calanka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay la sameeyay 12-kii October, 1954-kii, iyadoo goobta lagu dhigayay munaasabadda lagu soo bandhigay sawirrada, Maxamed Cawaale Liibaan oo lahaa hindisaha calanka iyo dadkii u dhintay difaacidda calanka Soomaaliya.
Fannaaniinta deegaan, Shamsu-ddiin Band, hobollada Waaberi iyo kooxda bar-baarta gaashaaman ayaa kusoo bandhigay munaasabadda suugaan ka hadlaysay qiimaha uu leeyahay calanka ee buluugga ah dhexda ku leh xiddigta cad ee shanta geesood leh.
Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sh. Cismaan Jawaari ayaa khudbad uu ka jeediyay munaasabadda wuxuu ku sheegay in calanka uu yahay mid ay Soomaalida oo dhan leedahay oo aanu ahayn mid shaqsi gaar ah uu leeyahay ama sheegan karo.
Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo ka hadlay munaasabadda ayaa dhankiisa sheegay inay ciidamada dowladdu ay ku jiraan howlgallo dalka looga saarayo Al-Shabaab, isagoo hambalyo ku aaddan maalinta calanka u diray dhammaan ciidamada Soomaaliya meel walba oo ay joogaan.
Ugu dambeyn, madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka jeediyay munaasabadda khudbad dheer ayaa hambalyo u diray dhammaan ummadda Soomaaliyeed, isagoo intaas ku daray in qof walba oo Soomaali ah astaanta lagu garanayo ee uu leeyahay uu yahay calanka Soomaaliya.
Sidoo kale, madaxweynaha ayaa intaas ku daray. “24-kii sano kaddib caawa waxaan isugu nimid xuska iyo qiimeynta calankeenna, dad badan oo Somali ah ayaa ka sheekeeyay dadkii u dhintay difaacidda iyo sameynta calanka aan maanta leennahay, sharaf ayayna geesiyaashaad ku leeyihiin shacabka Soomaaliyeed agtooda.”
Xasan ayaa ka codsaday shacabka Soomaaliyeed inay xoojiyaan taageerada ay u hayaan dowladda Soomaaliya, isla markaana ay gacan ka geystaan sidii loo sixi lahaa wixii khalad ah ee dowladda ka dhacay.
Daafeet.Com