Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) ayaa shegay in sanadka 2015-ka ee soo socda ay Muqdisho ka dhici doonto doorashada dowladaha hoose ee Muqdisho. Isagoo dhinaca kalena eedeyn u jeediyay wasaaradda maaliyadda Soomaaliya.
Muun-gaab ayaa hadalkan ka sheegay xaflad tababar loogu furayay xubnaha maamullada degmooyinka gobolka Benaadir iyo guddoomiyeyaasha 17-ka degmo ee Muqdisho ay ka kooban tahay oo shalay ka dhacday Muqdisho.
Duqa Muqdisho wuxuu hadalkiisa ku daray in doorashooyinka ay billow u noqon doonaan qorshaha uu higsanayso dowladda hoose ee Muqdisho, taas oo ah inay dalka doorasho ka dhacdo sannadka 2016-ka doorasho ka dhacdo Muqdisho.
Isagoo sii hadlaya ayuu guddoomiyaha gobolka Banaadir sheegay in taasi ay ku timid jiritaan la’aanta uusan jirin golaha deegaanka gobolka iyo sidoo klae duq magaalo oo ay shacabkku soo doorteen, kuwaasoo ah kuwa sida gaarka ah awoodda ugu leh inay lacagahaas sharci-darrada gaadiidka looga qaadayo hor-joogsadaan.
Daafeet.Com
Iska Celi tugada Borso Waweynka Wata oo melo kale laga so direy oo raba iney Muqdisho la degaan.
Comments are closed.