Gaari laga soo buuxiyey waxyaalaha qarxa ayaa maanta waxaa lagu qarxiyey isgoyska afarta-jardiino, degmada Yaaqshiid ee Muqdisho.
Qaraxan ayaa waxaa la sheegayaa in uu geystey dhimasho iyo dhaawac ugu yaraan lex qof oo uu ku jiro sarkaal ka tirsan ciidamada nabadsugidda Somalia.
Qaraxan ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmeen 10-qof oo shacab iyo askaritii ilaalada u ahaa sarkaalka, waxaana qaraxan uu ka dhacay goob jaadka lagu iibiyo, waxaana xilliga uu qaraxu dhacayay uu sarkaalku qaad ka qaadanayay xaaskiisa oo jaad iibisa.
Sidoo kale, guddoomiyaha degmada Yaaqshiid oo xaqiijiyay qaraxa dhacay, isagoo sheegay inuu ahaa mid ku xirnaa gaariga uu watay sarkaal ka tirsan nabadsugidda Qaranka, laguna howlan yahay sidii dhaawacyada loo gaarsiin lahaa isbitaallada iyo goobaha caafimaadka.
Ma jirto illaa hadda cid sheegatay inay mas’uul ka tahay qaraxan, kaasoo ku soo beegmaya xilli habeen ka hor uu Muqdisho ka dhacay qarax ismiidaamin ahaa oo sababay dhimasho iyo dhaawac.
Daafeet.Com