Wasiirka Caafimaadka Somalia Ali Mohamed Mohamud (Ali Hared) ayaa beeniyay wararka ku aadan in ciidamo ka socda wadamada Galbeedka Africa dhaca ee uu saameeyay Cudurka Ebola qaasatana wadanka Sierra Leone la keenayo gudaha Somalia.
wasiirka ayaa sheegay in uu jiro heshiis horaan ay wada gaareen dowlada Somalia iyo Midowga Africa howlgalkooda Somalia kaa oo ku qotomay in ciidamo Galbeedka Africa kasocda aan lageenin Somalia madama wadamadaasi uu ku dhuftay cudurkan dilaaga ah .
Wuxuu hadalkiisa kusii daray wasiirka caafimaadka Somalia in isaga masuuliyad ay ka saaran tahay arimaha caafimaadka dalka iyo dadkaba marnaba uusan ogolaan doonin wax caafimaadka dalka wax udhibaya.
Wargeysyo caalami ah ayaa qoray isbuucan gudihiisa in ciidamo gaaraya 800 oo sierra leone kasocda oo heegan ugu jiray Somalia in lakeeno mid kamid ah askartaasi laga helay cudurka Ebola,balse dowlada Sierra Leone ayaa beenisa in askarikaasi uu cudurka qaadsiiyay askartii kale ee diyaarka u ahaa in Somalia lakeeno.
Daafeet.Com
Waa wax fican waana lagu qasbanyahay in Cidan Wadankisa Cudur Dila aha ka jiro usan Somaliya imaaniin ileen Somaliya ma aha Qashin Qubka Dunida. Allahayow Shacabka Soamliyeed uu gargaar Amin.
Comments are closed.