Shirka hagardaamada ah ee ka socda Baydhaba laguna sheegay in Maamul Goboleed loogu dhisaayo saddex Gobol oo ka tirsan Gobolada Dowlada Koonfurgalbeed ayaa dhaliyay Tartan ka dhaxeeya Jawaari iyo Sakiin oo labudaba yihiin kuwa hortaagan Rabitaanka Shacabka Koonfurgalbeed kana soo horjeeda Dowlada Koonfurgalbeed. Shariifka ayaa dadaal dheer ugu jira sidii Madaxweyne ugu noqon lahaa Maamulkan wuxuuna soo jeediyay in doorashada Madaxweynaha la dedejiyo odoyaashana ay doortaan Madaxweynaha, halka Jawaari uu rabo in si aayar ah Shirku ku socdo, laguna soo biiriyo kuwa diidan waayo Ergada Shirka hada u fadhisa waa Aqyaarta Shariif Xasan, haddii aan Shirka la balaarin oo aan laga soo qeyb galin dad lid ku ah Siyaasada Shariif Sakiin waxaa hubaal in Shariif si fudud loogu dooranayo Madaxweynaha Maamulkan.
Murankan oo u dhexeeya Jawaari iyo Shariif ayaa banaanka soo baxay ka dib markii Jawaari maanta Warbaahinta ka sheegay in Doorashada dib loo dhigo, Dastuurkana aan la ansixinin ilaa Wadatashiga Shirka ka dhamaanayo. Jawaari iyo Qabyaaliste C/weli ayaa isku fahmay in Shirka habraaciisu la wanaajiyo si Natiijada Shirka u noqoto mid dhaxalgal ah. Casbida Qabyaaliiste C/weli ayaa ah in haddii Shariif Xasan loo doorto Madaxweyna Maamulan ka dhigan tahay in ay fashilantay Shirqoolkiisa oo ahaa in lakala gooyo Koonfurgalbeed, waayo wuxuu dareensan yahay Shacabka Koonfurgalbeed inay aqbalaynin Shariifka oo Baydhaba ka talinayo. Halka Cabsida Jawaari ku kooban tahay Jagadiisa uu dareensan yahay in Shariif Xasan Qarka ka tuuri doono.
Halkan hoose Ka daawo Warsaxaafadeedka Gudoomiyaha Baarlamaanka ahna ku simaha Madaxweynaha Dalka
Dhismaha Koonfur Galbeed waa inuusan noqon mid loogu tunto Xuquuqda Beelaha deggan Gobollada Koonfur Galbeed oo dhan, lagana dhigin sidii Shirarkii ka horeeyey laga soo bilaabo kii Carta, kii Mbagathi iyo kii Dugsiga Sare ee Booliska ( Scuola Polizia ) shirarkaas oo dhan oo ay ku daneesteen shakhsiyaad jideestey iney dulmiyaan Shacabka ayna keensadeen kuwo iyaga danahooda u fulinaayey.
Hadaba arrinta uu soo jeediyey Ra’iisul Wasaaraha waa arrin RUN AH oo aad iyo aad looga baahnaa iney sidaas oo kale u maareeyaan Siyaasadda Somalia kuwii isaga ka horeeyey oo si cadaan ah ugu fashilmey iney noqdaan madax qaran iyagoo danahooda gaarka ah ku fushadeen Xilalkii qaran ee ay markaas haayeen.
Arrimahaas oo kale ayaa lagu wadaa Shirarka Maamul u sameynta Gobollada Somalia iyadoo ujeedoyinka laga leeyahay ay yihiin ( Tan Koowaad in lagu gaaro jado siyaasadeed, laguna xado hantida la filaayo in beesha Caalamka ay ugu deeqi doonto dib u dhiska Somalia), ( Tan labaad in lagu jideesto ku soo noqoshada Siyaasadda Somalia 2016ka haddii ay dhici weydo doorasho Xor ah, iyo Xittaa haddii ay dhacdo iney ku soo saaraan tuugadooda); ( Tan seddaxaad in awood lagu sharciyeesto si loo cabburiyo rabitaanka siyaasadeed ee shacabka, looguna tunto Xuquuqul Insaanka)
Aad iyo aad ayaan u taageereynaa amarka Ra’iisul Wasaaraha iyo taageerada Ra’iisul Baarlamaanka ee awaamiirtaas isagoo sii haaya Xilka Madaxweynaha JFS, waana ku saxsanyihiin iney la socdaan Habsami u socodka shirka Baydhaba oo la ogsoon yahay in Shakhjsiyaad gaar ah ay ka leeyihiin dano gaar ahaaneed oo haddii aan laga qabanin khaldaadkooda ay horseedi karaan Nabad gelyo Xumo, dagaal beeleed iyo bur bur kalsoonida Shacabaka ay u haayaan Dawladda Federaalka Somalia iyo Hay’adaheeda Sharciyeedka.
Waa talaabo wanaagsan oo horay loo qaaday,go,aanka ay soo saareen madaxda dalka waana in lasoo dhaweeyaa,loona qaataa sida uu yahahy
shirka waa in uunoqdaa mid ay udhanyahiin dhamaan dadka dega deeganadaa,waa in uusan noqon shir uu iska wato shariif sakiin, oo uu majaraha u hayo,siduu doonana ka yeelo,,waa in la balaariyaa sida ay dowladuba sheegtay hamiga shariif sakiina meesha laga saaro,
PM,GB, Sherif Hassan kuligo laqdabo ay ku heshiiyeen sheley wey isla socdeen maantana waa kala socdaan, god walaal ha qodin hadaad qodo ha dhereeyniin ku dhici doonta lama ogeh. PM waanin qabiliste ah oo Somali danteda shaqo ku lahayn GB dasturki in nikan uu ku tumanowhayo wuu uu jeda waxba kama qabanowhayo, ASWt ayase kuligo ka sareyo oo gardaro ogoleyn.Anagan reer Kofur Galbeed Alleh ayaan qabna.
qowmiyadaas reer k/galbeed inay aayahooda ka tashtaan ay dhistaan dowlad loo dhan yahay oo cid kasto ka dhex muuqan karto,wayna noo dhisan tahay waana lagu guuleysatay,qofka dhibka wada ha joojiyo waxaan ku leenahay dadkaada dhinac ka raac guul dowlad goboleedka 6da gobol mahadsanid daafeet
Comments are closed.