Waxaa xaley magalada toronto ee alka canada ka furmey kulan aad u balaaran oo ay kasoo qeyb galeen dhamaan bulsho weynta somaaliyeed ee ku dhaqan dunida dacaladeeda.
Kulankani ayaa waxaa uu ku saabsanaa u dabaaldegida qoriska Afka Maay waxaana kasoo qeyb galey profesoro isugu jira ajaanid iyo somali ayagoo ka kala yimid yurub. iyo qaarada north america kulankani ayaa waxaa uu socon doonaa mudo sedex maalmood ah ayagoo ku falanqeyn doona afka maay iyo kaljarka somaliyeed.
Dadkii xaley goobta ka hadley ayaa waxaa ka mid ahaa prof Maxamed xaaji Mukhtaar oo ka mid ah dadkii soo abaabuley kulanka waxaana xafladaas furey oo goob joog ka aahaa Mike Salan oo ah MP ka tirsan parlamaanka canada wuxuuna sheegey in uu aad ugu faraxsan yahay kasoo qeyb galka uu kasoo qeyb galey xaflad loogu dabaal dagayo kaljarka iyo luqada afka maayga.
Gabagabadii kulankii xaley ayaa waxaa mahad balaaran loo soo jeediyey bahda mediyaha ee halkaasi ku sugneyd kuna sugnaan doonta inta uu socdo kulankaas sida Radio Alif, Muuqaalka Somalida Tv, Somali Chanel Tv, SNT Manisota iyo weliba Daafeet Media.
Daafeet.Com