Warar aynu ka helney Jazeerada Kudhaa oo ka tirsan Gobolka Jubbada hoose, ayaa sheegaya in ciidamada alshabaab dagaal xoogan ay saaka aroortii kula wareegeen gacan ku haynta Jazeerada Kudhaa.
Dagaalkaan ayaa yimid, kadib markii Shabaab weerar xoogan ay ku qaadeen Jazeeradaan oo ay ku sugnaayeen ciidamada Maamulka Jubba oo horay Shabaab ugula wareegay.
Wararka waxa ay intaasi ku darayaan in ciidamadii Axmed Madoobe ay u carareen dhanka deegaan lagu magacaabo Madhawa oo Kudhaa ku dhaw.
Lama oga khasaaraha dhimashada iyo midka dhaawac inta uu la eegyahay ee soo kala gaaray labada dhinac.
Daafeet.Com