Waxaa galabta Afartii galabnimo xiliga Bariga Afrika magaalada Marka caasimada Gobolka Shabellaha hoose dil bareer ah loogu gaystay Taliyihii Ciidamada Nabad Sugida Gobolka Shabellaha hoose Gaashaanle Bashiir Xaaji Cusmaan Diinle oo ku magac dheeraa ”Guule”
Dilka Taliyaha ayaa waxaa xaqiijiyay Gudoomiyaha degmada Marka Maxamed Cismaan Yariisow.
Inkasta oo ay jiraan dhinacyo la tuhmaayo ayaa waxaa hadana si dhab ah loo ogayn cida dhabta ah ee ka danbeysa dilka Taliyaha waxaana caawa kacsan xaalada magaalada Marka.
Halkan ka dhegayso Wareysiga Gudoomiyaha degmada Marka Maxamed Cismaan Yariisow.Unknown Album