Magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Bay, waxaa ka socda shir lagu dhisayo maamulka Koonfur Galbeed ee Sedaxda gobal, waxaana uu haatan yahay mid maraya heer gaba gaba ah,inkastoo shirkaasi uu ka taagan yahay khilaaf xoogan
Guddiga farsamada maamul u sameynta seddexdaasi gobal ayaa maanta ku dhawaaqay Guddi Doorasho oo ka kooban ilaa 25 xubnood,kuwaasi oo sida la sheegay maalmaha soo socda soo bandhigi doona Qorshaha iyo Nidaamka Doorashada,balse su,aasha is weydiinta mudan ayaa waxay tahay ku dhawaaqista Maamulkaasi sidee ayuu uga hergeli donaa Gobolada 3da ah,kalsooni intee a,eg ayey ka heli doonaan Shacabka.
Ugaas Maxamed Ugaas Xasan Ugaaska beesha reer Aw-Xasan Kalweyne oo ka mid ah Ergooyinka 3da Gobol ee ku sugan Baydhabo,kana mid ah Gudiga Doorasho ee Maanta la magacaabay ayaa Wareysi dheer oo uu siiyey Warbaahinta Wadajir waxaa uu sheegay, in ay ku guuleesteen ansixinta Dastuurka maamulka Koonfur Gabeed iyo Calanka uu yeelanayo maamulkaasi, sidoo kalena ay ku dhawaaqeen in magaalada Baraawe ay xarun ka dhigtaan, maadaama Dastuurkaba lagu cadeeyay.
Halkan ka dhegayso WareysigaWareysi dheer Shirka Maamul u sameynta 3 Gobol oo doortey Gudi Doorasho