Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo ayaa dhowaan waxaa lagu soo gabagabeeyey shir weyne loogu magac darey Midnimo1,kaasi oo ay gar wadeen ka ahaayeen Siyaasiyiin iyo Qurba joog ka soo jeeda Gobolka Gedo,iyadoo ujeedadiisuna ay ahayd sidii Beesha SADE ee degta Gobolada Gedo iyo Jubbooyinka ay mowqif mideysan uga qaadan lahaayeen xaalada dalka uu marayo.
Inkastoo shirkaasi ayan ka soo qeyb gelin inta badan hogaamiyayaasha dhaqanka Gobolka Gedo ayaa dhinaca kale shirkaasi waxaa ka hor yimid Gudoomiyaha Gobolka Gedo maxamed Cabdi kaliil,waxaana lagu baaqey mar kale in shir kale oo ah Midnimo2 lagu qabto Garbahaarey,kaasi oo lagu wadey in lagu casuumo beelaha deriska la ah beesha SADE,inkastoo waqtigii loo iclaamiyey qabsoomida shirkaasi uu dib u dhac uu ku yimid.
Hadaba si aan wax badan uga ogaano halka uu marayo qaban qaabada shirkaasi iyo caqabadaha taagan shirka ayaa waxaan wareysi la yeenay Nabadoon Xuseen Aden Warsame oo ka mid ah Ergooyinkii ka qeyb galey Shirkii midnimo 1 ee ka dhacay Magaalada Garbahaarey.
Halkan ka dhegaysohalkee ayuu ku dambeeyey shirkii lagu baaqey ee midnimo 2,Wareysi
Allaha karim
Comments are closed.