Dhegayso..Alqaadi”Kol hadii ay Dowladu balantii nooga baxday ma jiro ciidan laysku dhafayo”

2
40
AlqaadiSheekh Xuseen Isxaaq(Alqaadi) oo ah Afhayeenka Ahlu sunada Gobolada K/Galbeed oo Wareysi siiyey Radiyaha Wadajir ayaa ku dooday Ururkooda inuu u taagan yahay sidii midnimada, nabad geliyada iyo dib u heshiisiinta dalka loo xoojin lahaa,islamarkaana looga fogaan lahaa dhamaan waxii khilaaf ah.
 
Mar aan weydiinay Ahlasunaada K/Galbeed waxay diiday inay ciidamadeeda Ku biiriso kuwa dowlad sidoo kale xoghayaheeda difaacana wuxuu sheegay inay ciidamo gayndoonaan Gobolada Sh/Hoose,Bay iyo Bakool ayaa waxuu ku jawaabay,Ahlu suna iyo Dowlada in ay horey heshiis u wada galeen,balse waxii lagu balamayna waxaa diiday ayuu yiri Dowlada,mana jirto ayuu yiri sabab ay ugu biiraan Ahlu suna Dowlada.

2 COMMENTS

  1. aad ayaan uga xumahay in aan akhristo dhibaatada ka socota shabeelaha hoose waayo waxaa ku doodaya waxa ku dagaalamaya maaha cidii degaanka ahayd markaa kolba magac ayaa lagu dhamaynayaa dadka deegaankaa ah si dhul ka looga hantiyo waxaan u soo jeedinayaa dadka degaankaa daga laba arimood 1. deegaanka cidii u badan ayaan ciidan ka noqota maxaa idiiin diiday in aad sida deegaanada kale aad ciidan samaysataan hadiii ay jirto cid idinka hortaan maxaad ula jihadi laadihiin taas ayaa xaq ahe 2. goorma ayaa dhulka shabeelada hoose qabiilada dageen imika kala sheegta maxaa siyaasiyiin iyo waxgarad idin taliya oo degaankiina ah idiin diiday daafeet ayaaa ciidan u ah ilaa afgooye

Comments are closed.