Waxaa maalintii labaad go’an Buundada Degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo, ka gadaal roobab xoogan oo ka da,ay deegaanka iyo biyihii Webiga Jubba oo halakeeyay Buundadaasi,taasi oo keentay in hakad uu ku yimaado dadkii,Gaadiidkii iyo Xoolahii ka talaabayey Buundadaasi oo xiriirisa qeybo ka mid ah Gobolada Dalka iyo Xaduuda kenya.
Cali Bishaar Daagir oo ah Madaxa Horomaronta iyo Mashaariicda Maamulka degmada Buurdhuubo oo la hadlayey Radiyaha Wadajir ayaa ka deyriyey xaalada Iminka ay ku sugan tahaya Buundadaasi oo uu sheegay in ay waxyeelo ka soo gaartey roobab daadad watey oo maalmahan ka da,ay deegaanka iyo Fatahaad webiga uu ka sameeyey degmada.
Sidoo kale Ganacsade Xaaji Maxamed Dhoore oo ka mid ah Ganacsatada Buurdhuubo ayaa waxa uu bidhaamiyay in markii ugu horeysay ay go’day Buundada Degmada Buurdhuubo, tan iyo markii Buurdhuubo laga dhisay Buundadaasi bartamahii sanadkii 1984tii,mana helin ayuu yiri Buundadaasi wax dayactir ah,waxaana inta Colaadaha ayan ka dhicin deegaanka ,maalin iyo habeenba mari jirey ilaa 50-N3 isjiid ah oo sida Badeecooyin ganacsi oo kale gedisan,balse hadda wax gaadiid xamuul ah ma mari karaan.
Waxa uu intaasi ku daray inay u joogsanayaan sidii dib loogu soo celin lahaa adeeggii Buundada ay u heysay dadka deegaanka, isla-markaana ay arrintaan kala kaashan doonaan qurbo joogto ka soo jeedda Degmadaasi iyo Hay,adaha Samafalka
Bulshada ku nool Buurdhuubo, ayaa waxay hadalheysaa go’itaanka Buundadii Degmadaasi, iyadoo dadku ay wareeg dheer u soo galayaan, sidii ay isugu tallaabi lahaayeen labada qaybood ee Buurdhuubo.
Halkaan ka dhegaysoBuundada Buurdhuubo oo Qarka u saaran inay Dunto