Kulankii Baarlamaanka oo qabsoomay Mooshinkiina la qaybiyay

0
42

mooshin1Waxaa Goordhaw lasoo xiray kulankii Xildhibaanada Baarlamaanka ku yeesheen xaruntooda kaasi oo ajandihiisu ugu muhiimsan ahaa in Xildhibaanada Baarlamaanka loogu qeybiyo Mooshinka ka dhanka ah Xukuumada Ra’isulwasaare Cabdiweli iyo Miisaaniyada Dowlada ee sanadka 2015-ta.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo kulanka furay ayaa sheegay in ajandaha maanta kulanka uu qeyb ka ahaa in Xildhibaanada Baarlamaanka loo qeybiyo Mooshinka laga soo gudbiyay Xukuumada.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaana si caadi ah oo buuq laheyn loogu qeybiyay Mooshinka ay Xildhibaano katirsan Baarlamaanka kasoo gudbiyeen Ra’isul Wasaare Cabdi Wali Sheekh Axmed iyo Xukuumadiisa .

Waxaa Xildhibaanada Baarlamaanka Fursad loo siiyay in ay soo aqristaan Mooshinka laga soo gudbiyay Xukuumada, waxaana Wararka aan heleyno sheegayaan in Dooda Mooshinka ay bilaabaneyso maalinta Sabtida isla maalintaasina cod loo qaadayo Mooshinka.

Kulanka Baarlamaanka Maanta ku yeesheen Magaalada Muqdisho oon waqti badan socon ayaa ugu dambeyn kusoo dhamaaday jawi dagan, waxaana Xildhibaanada Baralamaanka wajiyadooda laga dareemayay sida ay ugu faraxsanaayeen in kulankooda uu si cadai ah u qabsoomo kadib sadax kulan ooh ore uu buuq iyo Foodo kusoo dhamaaday Kulamadii Baarlamaanka.