Warbaahinta Dalka Kenya iyo kuwa Caalamiga ayaa soo bandhigay Sawiro laga soo qaaday Weerarkii dadka badan ay ku laayeen Dagaalyahanada Al-Shabaab oo saakay aroor hore ka dhacay Meel Qiyaastii 15-km u jirta Magaalada Mandheera.
Weerarkan waxaa lagu dilay 36-qof oo Kenyan ah kuwaa oo heesta Diinta Karishtaanka ah, waxa ayna sii daayeen Kooxihii hubeesnaa dadkii Muslimiinta ahaa ee kusugnaa goobta ay weerarka ku qaadeen oo aheed goob Kaawada laga qodo.
Dadka ay Dileen Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa intooda badan waxa ay ka toogteen Madaxa , waxa ayna dadkan ku amreen Kooxihii hubeesnaa in ay xabadka dhulka dhigaan kadibna waxa ay ku fureen rasaas xoogan.
Ciidamada amaanka Dowlada Kenya iyo Laanqeerta Cas Kenya ayaa gaaray goobta uu ka dhacay Weerarka, waxa ayna halkaasi ka qaadeen Meydadka dadkii lagu laayay Duleedka Mandheera.
Dhanka kale warsaxaafadeed ay soo saareen Shabaabku ayaa waxay ku sheegteen mas’uuliyada weerarka oo ay ku dileen 37 ruux sidoo kale ayaa Shabaabku waxay warsaxaafadeedka ku sheegeen in howlgalkii Kaawada Mandheera ka dhacay ay fulisay guuto gaar ah oo loogu magac daray “Saalax Al-Nabhaan” oo ahaa sarkaal horay uga tirsanaa Shabaabka balse sanaddii 2009 lagu dilay gobolka Shabeelaha Hoose kadib duqeyn ay ugeysatay diyaaradaha Mareykanka.