Wafdi Ka Socda Laamaha Samafalka Ee Qaramada Midoobey oo Maanta Gaarey Magalada Beledweyne

0
45

qaramadaWafdi ka socda Laamaha samafalka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne ee xaruunta gobolka Hiiran, waxayna kulamo la qateen mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan.

Wafdigan oo uu hogaaminayo Isku duwaha howlaha beni’aadanimada Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Philip Lazzarine, waxaana ay kulan la qaateen Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan iyo qeybaha bulshada.

Phili Lazzarine Isku duwaha howlaha beni’aadanimada Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa ku booriyay odayaasha dhaqanka iyo ururrada bulshada rayidka ah doorka uga aadan hagaajinta xaaladda beni’aadanimo ee ka jirta degmooyinka uu ka koobanyahay gobolka Hiiraan.

Deegaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa Shacabka ku nool waxay ka cabanaayeen maalmihii dambe fatahaada uu sameeyay webiga Shabeelle oo sameeyeen ku yeshay dadka danyarta ah.

 
Daafeet.Com