Ciidamada nabadsugidda iyo sirdoonka dowlada federalka soaliya ayaa xalay ilaa saaka howlgallo ka wada deegaano u dhaxeeya Muqdisho iyo Afgooye.
Ciidamada ayaa la sheegay in saqdii dhexe ee xalay ay howlgalka ka bilaabeen deegaanka Ceelasha biyaha iyo deegaano u dhow, waxeyna guri guri u baarayeen xaafadahaasi.
Howlgalka ayaa la sheegay in lagu soo qab qabtay hub iyo dhalinyaro la rumeysanyahay iney ka tirsan yihiin maleeshiyaadka Alshabaab.
Howlgaladan ayaa hakad geliyay dhaq dhaqaaqa gaadiidka iyo dadka, Howlgaladan ayaa waqtigan xaadirka ah waxey isku fidiyeen deegaano balaaran oo dhaca inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye.