Xildhibaannada baarlamaanka Somalia ayaa maanta meel-mariyay miisaaniyadda sannadka 2015-ka ay dowladdu ku shaqeyn doonto, taasoo ay maalmihii lasoo dhaafay ka doodayeen.
Dood adag kaddib ayay xildhibaannadu cod u qaadeen iyadoo ay ogolaadeen 148-xildhibaan, halka ay diideen sagaal mudane, waxaana ka aamusay shan mudane oo keliya, iyadoo guddoonku uu ku dhawaaqay in miisaaniyaddu ay tahay ansax.
Miisaaniyadda 2015-ka ay ku shaqeynayso dowladda Somalia ayaa gaaraysa 239.9 milyan oo doollarka Mareykanka ah, waxaana ay miisaaniyaddan aad uga badan tahay miisaaniyaddii sannadkan dhammaadka ah ee 2014-ka.
Kulanka lagu ansixiyay miisaaniyadda sannadkan 2015-ka ayaa waxaa goob-joog ka ahaa sii hayaha xilka wasiir-u-dowlaha wasaarada C/llaahi Maxamed Nuur. Isagoo markii miisaaniyada 2015-ka la ansixiyay u mahadceliyay ayaa xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya.
Daafeet.Com