Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharma’arke, ayaa ku baaqay in si deg deg loo joojiyo dagaallada ku soo noq noqday qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan iyo deegaano hoostaga degmada Xarar-dheere, kuwaas oo ay ka dhasheen khasaarooyin kala duwan.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay dagaalladaas kuwo nasiib darro ah oo xiligan ay dadka Soomaaliyeed ka soo kabanayaan colaadaha, iyagoo u jihaystay dhanka nabad ku wada noolaan shaha.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in dagaallada iyo khilaafyadu ay soo kordhinayaan oo kaliya barakac, xasilooni darro iyo maatada oo ku dhimata. “Waxaan kula talinayaa qaybaha dagaalladu ka dhexeeyaan in ay si dhaqsa ah u joojiyaan.
Ra’iisul wasaaraha ayaa ugu dambayntii baaq u diray waxgaradka ka soo jeeda deegaanadaas in ay wadahadal ku dhameeyaan colaadda isna cafiyaan si loo helo xal iyo nabad ku wada noolaasho dhex marta dadka soomaaliyeed ee walaalaha ah.
Daafeet.Com