Daawo Sawirada Wasiirada Arimaha Dibada ee Dowladaha Igad oo Maanta Gelinkii Dambe Soo Gaarey Magalada Muqdisho

0
79

igadWasiirrada arrimaha dibadda waddamada IGAD ayaa intooda badan waxay gellinkii dambe ee maanta soo gaareen Muqdisho, iyadoo ammaanka garoonka iyo waddooyinka muhiimka ah ee Muqdisho si aad ah loo adkeeyay.

Wasiirrada waddamada Bariga Afrika ee gellinkii dambe ee maanta soo gaaray Muqdisho waxaa ka mid ah; wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya, Dr. Tedros Adhanom, wasiiradda arrimaha dibadda Kenya, Aamina Maxamed, kuwa Sudan, Uganda iyo Koonfurta Sudan. Waxaa kaloo wehliyay wasiirradan xogyahaha guud ee urur-goboleedka IGAD, Maxbuub Macallin.

Dalalka IGAD ayaa waxaa berri oo Sabti ah uu shir uga furmayaa Muqdisho iyadoo saaka uu Muqdisho soo gaaray wasiirka arrimaha dibadda dalka Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Shirka dalalka IGAD ay ku yeelanayaan Muqdisho oo ah kii 53-aad ayaa lagu wadaa inuu berri ka furmo caasimadda Soomaaliya, iyadoo la filayo inuu furo madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud.

igad

igad1

igad2

igad3

Daafeet.Com