Shiinaha: Maqaalo Taxane Ah (Qormadii Labaad) Abdulkadir M. Abow

0
77

Dagaalkii Daroogada Obyamka

chinaXilligii aay talinayeen imbaraadooradii kala duwanaa ee dowladihii taxnaa ee Qing Shiinaha waxay gaareen horumar lixaad leh oo dhinac walba leh. Wadamada reer Yurub oo uu Ingiriiska ugu horeeyo ayaa u tagi jiray Shiinaha in aay ka soo dhoofsadan shaaha – oo noqday cabitaan aad looga xiiseeyo Ingiriiska iyo wadamo badan, alaabada dhoobka ah ee la xardhay oo lagu sameyn jiray Shiinaha iyo dharka xariirta ah. Ingiriiska ma heysan badeecado laga rabo Shiinaha, iyagana maba u ogoleyn in aay ka qaataan alaab dad ilbaxnimadooda hooseyso – waa sideey u arkaayeen reer Yurub waqtigaas, marka waxaa lagu qasbay in aay ku iibsadaan qalin (silver).

Boqorkii Ingiriiska ee King George III isagoo ka cabanaya xoriyo la’aanta isdhaafsiga-ganacsi ee labada waddan Ingiriiska iyo Shiinaha markii uu u dirsaday safiir Qianglong – imbaraadoorkii Qing ee qarnigii 18aad , natiijada safarkiisa ma ahayn oo kaliya fara-marnaan ee safiirka wuxuu Beijing kala soo kulmay bahdil iyo yaxyax. Inkastoo ambaasadoor Macartney loo qaabilay si wanaagsan oo kulan toos ah uu la qaatay imbaraadoorka kuma uusan guuleysan ujeeddadiisa ahayd in uu ka dhaadhaaciyo in loo ogolaado dowladiisa in aay xiriir ganacsi la yeelato boqortooyada Shiinaha. Go’aankii la siiyey safiirka 1792 in uu kula noqdo boqorkiisa King George III wuxuu ahaa filan waa. Diidmo aan geed loogu soo gaban ayaa la siiyey oo aan xitaa dib looga furi doonin wax wada-hadal ah.

Mudane Macartney fara-marnaan iyo sharaf darro ayuu la soo laabtay, laakiin Ingiriiska ma joojin in aay helaan badeecad aay ku bedeshaan shaaha iwm., ee aay u baahnaayeen, si aay u helaan hab aay ku joojiyaan qalinka faraha badan ee ka baxaayey khasanadahooda.

Qarnigii 18aad magaalada kaliya ah ee dekadda leh ee u furneyd wadamada shisheeyaha ee ka ganacsanayey Shiinaha waxay ahayd Canton (Guangzhou). Shatiga lagula ganacsan karo ajaanibta waxaa heystay koox gaar ah oo Shiinees oo la oran jiray Co-hong. Ajaanibta ganacsiga la sameyneysay Shiinaha waxaa loo ogolaa meelo go’an oo magaalada ka mid ah iyo waqti go’an sannadkii in aay ku ganacsadaan. Habkaan ganacsiga ah ee xaddidan waxaa loo yaqaanay habka Canton (Canton system). Ingiriiska oo ugu firfircoonaa reer Yurub dhinaca ganacsiga bariga-fog waxaa matali jiray shirkad weyn oo la oran jiray East India Company (E.I.C). Waxay ahayd shirkad dowladda boqortooyada Ingiriiska leedahay oo maamuli jirtay howlaheeda ganacsi ee Hindiya iyo Aasiyada inteeda kale.

Maadaama xayiraad aay ka saarneyd shirkadaha ajaanibta in aay geeyaan Shiinaha badeeco waxay doonto ha noqotee. Waxay noqotay in Ingiriiska aay xal u helaan qalinka faraha badan ee sida ba’an ugu qulqulaayey khasnadda imbraadoorka. Shirkadda E.I.C oo ka ganacsan jirtay obyamka oo ah nooc daroogada ka mid ah oo dadka isticmaala aad iyo aad u qabata eeyna adag tahay in aay iska daayaan, ayaa bilowday in aay ku xaraashto obyamka Kalkata, British India iyadoo diidaysa in aay toos u geyso Guangzhou. Wuxuu obyamka ka bixi jiray dhulal fara badan oo ku yaalay British India oo uu ka mid yahay wadanka hadda loo yaqaano Bangaaladesh. Waxaa halkaas ka soo qaadi jiray ganacsato aan dowladda ku xirneyn, una badnaa canaasiir dambiilayaal ah ama maafiyo shaqo ku leh, maadaama aay dowladda Ingiriiska iska ilaalineysay in aay ku xadgudubto xayiraadda dowladda Shiinaha. Ganacsatadaas ayaa ku heyn jiray maqaasiimo sabeeya badda dusheeda oo u dhow dekadda Guangzhou. Waxaa halkaa ka qaadi jiray burcad badeed Shiinees oo xiriir la lahayd canaasiirta shisheeyaha ah wata doomaha gacanta lagu badeeleeyo ee yar-yar oo geyn jiray meelo badan iyagoo sii maraaya badda iyo webiyada.

Dhamaadkii 1838 waxaa la gaaray heer daroogada aay dheeli-tirtay faraqii ganacsiga labada wadan ee Shiinaha iyo Ingiriiska u dhaxeeyey. Waxaa u suuragashay in Ingiriiska uu ka helo obyamka qalin u dhigma ama ka badan kan uu badeecadaha kaga soo iibsan jiray Shiinaha. Arrintaas waxay welwel ku abuurtay imbaraadoorkii waqtigaas ee Daoguang laba sababood oo iska cad awgood. Tan koowaad, oo ah tan ugu muhiimsan, waxay ahayd arrintaas saameynta dhaqaale ee aay ku yeelatay khasnadda imbaraadoorka, oo waxaa yaraaday qalinkii faraha badnaa ee u soo xaroon jiray, taasoo keentay ama soo dedijisay hoos-u-dhacii sharaftii iyo saameyntii imbaraadoorka. Tan labaad waxay ahayd saameynta dhinaca bulsho iyo caafimaad ee daroogada ku yeelatay shacabkii shiinaha, gaar ahaan magaalooyinka koofurta oo aay ugu weyneyd GuangZhou.

In kastoo imbaraadoor Daoguang uu ka awood yaraa awoowgiis Qianlong – ninkii sida awoodda ku jirto ugu diiday ambaasadoor Macartney in uu wax xiriir ganacsi ah la furo Shiinaha –haddana wuxuu ku qasbanaa in uu arrinta wax ka qabto.

1839 Daoguang wuxuu u magacaabay Lin Zexu oo ahaa aqoonyahan khabiir ah in uu noqdo wakiilka imbaraadoorka ee ciribtirka daroogada obyambka. Lin Zexu maadaama uu ahaa nin karti iyo aqoon leh oo ka heysta kalsooni buuxda boqorka wuxuu isla markiiba warqad furan u diray boqorodda Ingiriiska ee Queen Victoria oo uu ku weydiinayo sida obyamka ka mamnuucan waddanka Ingiriiska (Great Britian) aay ugu ogolaan karto in la keeno waddankiisa. Taasoo uu uga digaayey in haddii aan la joojin aay dhibaatooyin xun ka soo gaari doonto Ingiriiska. Inkastoo aay jiraan warar sheegaya in warqaddaa aaysanba gaarin boqortooyada.

Lin Zexu wuxuu bilaabay olole uu kula dagaalamayo maandooriyaha dhibaatada culus ku hayey caafimaadka dadka iyo khasnadda boqortooyada labadaba. Wuxuu soo ururiyey obyam lagu qiyaasay qalin ah ilaa 6 malyan oo doolar oo kuu ka dhigay qaar uu gubo iyo qaar uu raaciyo biyaha badda. Wuxuu xirxiray ganacsasatadii Shiinaha ahaa ee sida waalan uga beecmushtaraayey obyamka iyo qaar ka mid saraakiisha dowladda ee sahlaayey in uu ganacsiga daroogada sii fido iyagoo qaadanaayey laaluush fara badan. Sidoo kale waxaa la sheegay in Mudane Lin Zexu uu xirxiray ganacsato Ingiriis ah oo uu kala wareegay daroogada kana saxiixay in aay joojiyaan ka ganacsiga daroogada markii uu ku soo hareereeyey guryahooda kana gooyay biyaha iyo cuntada.
Sitembar 1839 Ingiriiska waxay bilaabeen in aay ridaan xabadihii ugu horeeyey ee dagaalka markii dambe noqday Dagaalka Obyamka. Ujeeddada dagaalka, marka laga fiiriyo dhinaca Ingiriiska, waxay ahayd mid aay ku doonayeen in aay ku helaan awood aay kaga ganacsan karaan Shiinaha oo dhan.

Oktoobar 1839 xukuumadda Ingiriiska waxay go’aan ku gaartay in loo diro maraakiib xawaare dheer ku socda oo loogu talagalay in lagula dagaalamo Shiinaha. Maraakiibtaas ma gaarin Shiinaha ilaa sannadkii ku xigay bartamihiisa qiyaastii Juun 1840. Markaas oo aay qaar ka mid ah maraakiibtaas xireen afka hore ee wabiga Zhu Jiang (Somali = Webiga Lu’lu’a, English = Pearl River). Intoodii kale waxay u sii gudbeen waqooyi si aay u gaaraan afka webiga Bei He (Wabiga Waqooyi) oo u dhow Beijing.

Lin Zexu wuxuu aaminsanaa in Ingiriiska uusan dagaal toos ku soo qaadi doonin Shiinaha sababtoo ah taas waxay halis ku ahayd in aay waayaan ganacsiga xooga leh ee aay la lahaayeen dowladda boqortooyada Qing. Wuxuu qabay ganacsiga lixaadka leh ee badeecadaha kale ee aan obyamka ahayn in aaysan iska galaafan doonin. Sidaas awgeed, marna filayn in maraakiibta Ingiriiska inta aay garab maraan Guangzhou aay u gudbayaan waqooyiga iyo dhinaca magaalo madaxda Beijing. Markii Imbaraadoor Daoguang uu ka war helay in maraakiibta Ingiriiska aay u soo socdaan waqooyiga oo aay ku soo aadan yihiin magaalo madaxda aad ayuu uga xumaaday. Lin Zexu wuxuu u arkay in uu ku fashilmay in uu jabiyo ama ugu yaraan hor istaago maraakiibta dagaalka ee cadawga.

Shirar xasaasi ah oo imbaraadoorka iyo la-taliyayaashiisa isugu yimaadeen ka dib Imbaraadoor Daoguang wuxuu go’aan ku gaaray in Mudane Qishan, oo ahaa mid ka mid raggii aadka u dhaleeceynayey Lin Zexu markii laga hadlaayey arrinta xasaasiga ah ee ka timi dhinaca Guanzhou, lagu bedelo Lin Zexu si uu wada-hadal ula galo Ingiriiska. Qishan wuxuu u ogolaaday Ingiriiska in la siiyo lix malyan oo qalin ah oo magdhow ah iyo Jasiiradda Hong Kong. Taas waxay keentay in laga qaado jagada.

Dagaalkii ka bilowday daroogada waxaa looga awood roonaaday ciidanka imbaraadooriyadda Qing. Maraakiibta Ingiriiska iyo ciidanka dhulkaba waxay baabi’iyeen Guangzhou iyo magaalooyin kale oo xeebaha ah waxayna gaareen Nanjing oo magaalo madax u ahayd imbaraadooriyado badan.

Agoosto 1942 si loo badbaadiyo Nanjing – inkastoo aaysan ahayn magaalo madaxda Qing haddana qiimo weyn ayeey ugu fadhiday dadka iyo boqortooyadaba – Imbaraadoorka wuxuu ogolaaday heshiis la magac baxay Heshiiskii Nanjing (Nanjing Treaty). Heshiiskaas wuxuu noqday kii ugu horeeyey heshiisyo badan oo looga yaqaan Shiinaha heshiisyadii cadaalad-darada ahaa.
Waxaa Ingiriiska la siiyey magdhow gaaraya 21 malyan oo qalin ah, jasiiradda Hong Kong iyo ka ganacsiga shan magaalo oo waaweyn oo dakado leh oo kala ah Shanghai, Xiamen (Amoy), Ningpo, Fuzhou iyo Guangzhou.

Wixii ka dambeeyey heshiiskaas bahdilka ah, waxaa ku bilowday imbaraadooriyadda kacdoono gudaha iyo faragelin shisheeye oo xoogan kuwaasoo ka faa’iideysanayey jabka la soo dersay boqortooyada.

Waxaa xigay 70 sanno oo gabalkii Qing uu sii liicaayey ilaa laga gaaro 1912 oo ahayd markii lagu dhawaaqay jamhuuriyaddii ugu horeysay ee ka curata Shiinaha. Maqaalka xiga ayaan kaga hadli doonaa Jamhuuriyadda Shiinaha iyo wixii aay la kulantay haddii Eebe idmo.

 

Waxaa qoray:
Abdulkadir M. Abow
abow@idirect.com