Dowlada Ugandha oo Ku Baaqdey In La Tayeeyo Ciidamada Somaliyeed Si Ay Ula Wareegaan Sugida Amaanka

0
80

ugaWasiirka gaashaandhiga dowlada Uganda Cripus Kiyonga, oo ka hadlayay xaflad ka dhacday hotel ku yaala magaalada Kambala ee dalka Uganda ayaa sheegay inay wanaagsan tahay rajada laga qabo in sanadka soo socda doorasho ay ka dhacdo dalka Soomaaliya.

Dalka Soomaaliya ayaa la qorsheynayaa in doorasho dimuqraadi ah ay ka dhacdo sanadka 2016, waxii ka dambeeyay markii ay dhacday dowladii Siyaad Barre sanadkii 1991, waxaana wasiirka difaaca ee Uganda uu rajo ka muujiyay arintaasi.

Dr Kiyonga, ayaa sheegay in la’aanta siyaasad wadajirka ah ay u badan tahay in ay sii murjin karto howlgalada militariga iyo guulaha siyaasadeed ee ay sameeyeen ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada Soomaaliya oo ciidamada Uganda ay qeyb weyn ka yihiin.

Wasiirka wuxuu sheegay in ciidamada AMISOM ay ka saareen goobo badan Alshabaab oo ay ku sugnaayeen sanadihii lasoo dhaafay, isagoo amaanay ciidamadii howlgaladaasi ka qeyb qaatay.