Kulankii Wasiirada Arimaha Dibada Igad oo Lasoo Gabagabeeyey

0
62

igad1Shirkii wasiirro arrimo dibadeedyada IGAD oo saakay ka furmay Muqdisho ayaa lasoo gaba-gabeeyay goor dhow, kaas oo muddo saacado ah ka socday hoteelka Hoteelka SYL oo ku dhow xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cumar C/rashiid ayaa shirka soo xiray, isagoo ka jeediyay khudbad uu uga hadlay muhiimada shirkan uu Soomaaliya iyo dalalka Bariga Afrika u leeyahay, isagoo ku tilmaamay inuu yahay mid ay soo dhaweynayaan oo ah mid taariikhi ah.

Sharma’arke ayaa si gaar ah uga mahad-celiyay ciidamada Somalia iyo kuwa AMISOM oo uu sheegay inay si wanaagsan u sugeen amniga intii uu socday shirka, wuxuuna caddeeyay in dowladda Soomaaliya ay xoogga saari doonto xoojin doonto amniga iyo hirgelinta nidaamka federaalka.

Wasiirrada IGAD iyo xubihii kale ee ka qayb galay oo iyaguna hadlay ayaa sheegay in shirkan uu yahay mid taariikhi ah oo Muqdisho lagu qabto tan iyo sannadkii 1985-kii, iyagoo sheegay in Soomaaliya ay kaalinteedii hore dib ula soo laabatay.

Wasiirrada arrimaha dibadda ururka IGAD ayaa lagu wadaa inay goor-dhow Muqdisho ka dhoofaan, iyadoo weli ay xiran yihiin waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho.