Hoteelka SYL ee Muqdisho oo ku dhow madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa goor-dhow ka furmay shirkii wasiirrada arrimaha dibadda IGAD, kaasoo noqonaya kii 53-aad ay xubnaha IGAD ay yeeshaan, isla markaana ah kii ugu horreeyay muddo 30-sano ah oo ay IGAD Muqdisho ku yeelato.
Shirka ayaa waxaa furay madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud iyadoo amniga guud ee hoteelka ay si aad ah u adkeynayaan Alpha Group oo ah ciidamada gaarka ah ee nabadsugidda Soomaaliya.
Qaybta hore ee shirka ayaa wuxuu dhexmari doonaa wasiirada arrimaha dibadda IGAD, safiirrada caalamka u fadhiya Somalia iyo madaxda sare ee dowladda Soomaaliya, markaas kaddibna uu shirka IGAD noqon doono mid ay albaabbadu u xiran yihiin.
Kulankan ayaa intiisa badan looga hadli doonaa arrimaha Somalia, gaar ahaan isbedellada dhinacyada amniga iyo horumarka, iyadoo sidoo kale lagu soo qaadayo hiigsiga sannadka 2016-ka oo la doonayo inay Soomaaliya ka dhacdo doorasho xor ah.