Qarax lala beegsanayey ciidamada raaskambooni ayaa maanta gelinkii dambe waxaa uu ka dhacay bartamaha magalada kismaanyo kaasoo ay ku dhinteen ilaa iyo hada inta la ogyahay Saddex askari oo ka tirsanaa ciidanka raaskambooni.
Mas’uuliyadda weerarkan ayaa waxaa sheegatay Al-shabaab, iyadoo qaraxan uu ka dhacay xaafadda Guul-wade oo ka tirsan xaafadaha Kismaayo, halkaasoo ay marayeen baabuurta ay la socdeen ciidamada geeriyooday.
Goobjoogayaal ayaa iyaguna sheegay in ciidamadii qaraxa lala beegsaday ay fureen rasaas, kaddib markii uu qaraxu dhacay, taasoo dishay laba haween ah oo meesha marayay.
Afhayeenka howlgallada Al-shabaab, Sh. C/casiis Abuu-Muscab ayaa xusay in weerarkaas ay iyagu mas’uul ka yihiin, ayna ku dileen afar sarkaal oo ka tirsan sir-doonka maamulka KMG ah ee Jubba.
Sheekh Abuu-Muscab ayaa ku goodiyay inay weerarrada ay ka geysanayaan deegaannada uu maamulo maamulka KMG ah ee Jubba ay sii wadi doonaan, isagoo maamulkaas ku eedeeyay inuu dhibaatooyin ku hayo shacabka.