Waxaa ka dhacay magaalada Buulo-xaawo ee gobolka Gedo xaflad weyn oo qalin-jabin ah,Xafladdan ayaa ahayd mid shahaadooyin lagu gudoonsiinayey arday ka qalin jabisay Machadka Farsamada Sayid Maxamed (SAMTEC) ee ku yaala Magaalada Buulo-xaawo, iyadoo Ardeyda ka qalin jebisey Machadkaasina oo ah Dufcadii 5aad ayaa waxay tiradoodu dhameyd ilaa 90 ardey oo 50 ka mid ah ay yihiin Gabdho, halka 40 kalena ay yihiin Wiilal.
Ibraahin Maxamuud Maxamed oo ah Maamulaha Machadka Farsamada Gacanta ee Sayid Maxamed(SAMTEC) oo la hadlayey WarbaahintaWadajir ayaa sheegay Ardeyda maanta ka qalin jebisey  in tiradoodu ay gaareysay ilaa 90 Ardey, islamarkaana muddo sanad ah ay baranayeen  Computar IT, Electric, Electronic, harqaanka, kalareynta dharka iyo tolmada iyo Sida loo sameeyo foormiiga, Aqalada ,sida Baabuurta loo hagaajiyo,Dhismaha Guryaha iyo weliba Barashada Luqada Ingiriiska,Caafimaadka Bulshada iyo Ganacsiga .
Ujeedada laga leeyahay Barashada cilmigan ayuu sheegay in ay qeyb ka tahay sidii dhalinyarada loogu sameyn lahaa xirfado waxbarasho iyo mid shaqo abuur,maadama Gobolka uusan lahayn Jaamacado, isagoo sheegayna ardeydii ka qalan jebisey Machadkani 5tii sanno ee u dambeysay in ay ka shaqeeyaan degmooyinka Luuq,Buulo-xaawo,Garbahaarey iyo Dolow,kuwaasi oo xiligan qabta shaqooyin ay ka mid yihiin Korontada,Faryaamada, Hagaajinta Baabuurta ,dhismaha Guryaha iyo gabdhaha oo ka shaqeeya adeegyada isqurxinta.
“Inkastoo machadka uu soo marey marxalado kale gedisan iyo caqabado,loona aas aasey Farsamada Gacanta balse labadii sanno ee u dambeeyey  waxuu u dalacay inuu bixiyo Shahaadooyin Diploma ah,waxaana lagu soo kordhiyey Daruus ay ka mid yihiin sida Barashada Luqada Ingiriiska,Caafimaadka Bulshada iyo Ganacsiga sidaasi waxaa yiri Ibraahin Maxamuud Maxamed oo ah Maamulaha Machadka Farsamada Sayid Maxamed(SAMTEC).
Sidoo kale Eng. Cabdi Jaamac Karinle oo ah Xiriiriyaha Ururka Samafalka CERID Â ayaa u mahadceliyey Hay,adda Samafalka NCA oo taageerta Machadkani, isagoo sheegayna mashruucani inuu yahay mid ka mid ah Mashaariicda Ururka CERID uu ka wado BBuulo-xaawo, halka Magaalada Luuqna faraca Ururka uu ka wado Machad kale oo lagu baranayo Cilmiga Beeraha
 Machadka Farsamada ee Sayid Maxamed (SAMTEC)oo mudo hadda laga joogo ilaa  5sanno laga hergeliyey degmadaasi ayaa xilligani waxaa wax ka barta Boqolaal ardey, waxaana tirada ardeyda ka qalan jibesay ilaa iyo Hadda Machadkaasi ay gaarayaan ilaa 270 ardey kuwaasi oo xilligani ku shaqeysta aqoontii waxbarasho ee ay ka heleen Machadkaasi.
Halkan ka dhegaysoWareysi Ibraahin Maxamuud Maxamed oo ah Maamulaha Machadka Farsamada Gacanta ee SayidKu dhegayso Moobilkaaga
Halkan ka daawo Sawiradii Xaflada.