Reysulwasaraha Dowlada Federalka Somaliya oo Maanta Kulan La Yeeshay Safiirka Ingiriska u Fadhiya Somaliya

0
49

sharmarkeRa’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa maanta xafiiskiisa Magaalada Muqdisho, kula kulmay Danjiraha dowladda UK u fadhiya dalka Soomaaliya.

Kulanka labada masuul ayaa looga hadlay arimo dhowr ah oo ku aadan xiriirka Soomaaliya iyo dowladda Uk iyo wada shaqeyn dhexmarta Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Dowladda Ingiriiska, maadaama Ra’iisul Wasaarihii hore uu meesha ka baxay Ra’iisul Wasaare cusubna uu yimid.

Ra’iisul Wasaare Cumar iyo Danjire Neil Wigan, ayaa isla soo hadal qaaday in la dadajiyo Barnaamijyada muhiimada leh sida guddiyada doorashooyinka iyo dhamaystirka Nidaamka Federalka dalka Soomaaliya.

Waxyaabaha kale ee labadaan masuul ay kawada hadleen ayaa waxaa kamid ah in xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo dowladda Ingiriiska xiriirka u dhexeeya lasii adkeeyo maadaama uu meesha ka baxay Ra’iisul Wasaarihii hore mid cusubna uu yimid.