Kulankii Qurbo Joogta Somaaliyeed oo Maanta Ka Furmey Magalada Kigali ee Dalka Ruwanda

0
39

qurboMagaalada Kigali ee xarunta dalka Rwanda ayaa waxaa maanta si rasmi ah uga furmay shirweyne ay ka qayb-galayaaan illaa 100 xubnood oo ka mid ah qurba-joogta Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa u dhaq-dhaqaaqa danaha Soomaalida Qurbaha ku nool.

Shirkan ayaa waxaa looga hadlayaa sidii qurba-joogta Somalida ay u yeelan lahaayeen qorshe cad oo ku saabsan ka qayb-qaadashadooda dib u dhiska Soomaaliya iyo waliba u doodista xuquuqdooda.

Kulankan ayaa waxaa si wadajir ah u soo Qaban-qaabiyay Midowga Afrika, gaar ahaan AMISOM iyo waaxda Qurba-joogta ee wasaaradda arrimaha dibada Soomaaaliya, iyadoo gacan laga helaya hay’adda waan-waanta Afrika ee ACCORD oo fadhigeedu yahay dalka Koonfur Afrika.

Shirka ayaa socon doono saddex maalmood ayaa xubnaha ka qayb-galaya waxay isla falan-qeyn doonaan siyaasad cusub oo loo dajinayo qurba-joogta Soomaaliyeed iyo kaalintooda Soomaaliyaqurbo1qurbo

qurbo2