Waxaa shaley kulan ballaaran iskugu yimid jaaliyada koonfur galbeed ee north America.
Kulankan oo looga tashanayay hadalkii kasoo yeedhay afhayeenka maamulka sadexda gobol ee hogaamiyo shariif xasan kaaso afhayeenku ku sheegay inu iska casiley xilkii uu u hayay maamulka shariif xasan.
Waxaa kasoo baxay kulankii ay yeesheen jaaliyada koonfur galbeed ee north America dhawr qodob.
1- waxaay si buxda u tageeren hadalkii afhayeenka oo aha in waxba laga sugin shariifka madaamu ku mashquulsan yahay daano gaara isagoo ku xadgudbay dastuurka oo dhigayay inuu soo dhiso dawlad goboledka koonfur galbeed somalia
2- waxaay shariif xasan ugu baaqen inu xilka iska casilo madaamu ku fashilmay inu soo dhiso maamul ku salaysan dastuurka isago ka hormaryay danihiisa gaarka ah tan shacabka dhiban ee reer koonfur galbeed.
3- dhamaan wax garadka iyo siyaasiyinta koonfur galbeed inay usoo jeestaan sidii ay wax ugu qaban lahaayeen dhulkooda ugana ceshan lahaayeen dadka raba iney sidey doonaan ka yeelaan.
4- waxaay caalamka ugu baaqen inaay ilaaliyan xaquuqda shacabka dhiban ee reer koonfur galbeed kana cawiyan siyaay u dhisan lahaayen maamul loo dhan yahay oo looga baxo mushaakilka siyaasadeed ee ka jira koonfur galbeed siloogaro hiigsiga 2016.
5- dhamaan jaaliyadaha reer koonfur galbeed meelkasto aduunka ka joogan inay garab istaagaan qofkii xaqa shacabka koonfur galbeed wada kana soo horjeestaan wixii xaq daro rabo inuu umada ku hogaamiyo ayadoon loo eegeyn qabiil iyo nin jecleysi.