Sii hayaha Wasiirka Kaluumeysiga Maxamed Caloow Baroow oo Maanta Muqdisho ku Geeryoodey

0
62

Wasiir-ColowSii-hayihii xilka wasaaradda kalluumeysiga iyo khey-raadka badda Soomaaliya, Maxamed Coloow Baroow ayaa si lama filaan ah ugu dhintay maanta magaalada Muqdisho.

Barow ayaa wuxuu ka mid ahaa wasiirradii xukuumaddii C/weli Sheekh Axmed, isagoo muddooyinkii dambe xanuunsanaa, waxaana tacsi u diray ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke.

Geerida marxuumka ayaan la sheegin waxay ku timid, balse waxay wararku sheegayaan inay ahayd geeri deg-deg ah.