Warar lagu kalsoon yahay oon ka helayno shirar u socda ururada bulshada rayidka ah ee Somalia ayaa sheegaya in ay kalsoonidii kala noqdeen madaxwaynaha Somalia mudane xasan sh maxamuud. Xogta aan helayno waxay sheegaysaa in madaxwaynaha lagu eedaynayo qodobadaan hoos ku qoran.
· In uu gacanta ka bixiyey jiritaankii qaranimada Somalia
· In uu koox gaar ah ka doortay qaranimadii iyo midnimadii Somalia (Dama-jadid)
· In uu Golaha shacabka parlamaanka baray laaluush iyo musuqmaasuq, ayadoo dowlad kasta oo uu soo dhiso ku meel mariya laaluush kuna rida laaluush.
· Dowlad kasta oo uu madaxwaynuhu soo dhiso asagoo ku qasbaya raisalwasaaraha waxay noqotaa mid shacabka soomaaliyeed ka naxaan kana argagaxaan nooca ay tahay
· Civil societigu wuxuu garowsaday iskuna raacay in xasan sheikh uu yahay madaxwaynihii ugu xumaa ee soomaaliya soo mara illaa burburkii Somalia
Sidaas darted waxay ururada Bulshadu ku talinayaan qodobadaan hoos ku qoran.
1. In uu is casilo madaxwayne Xasan Sh maxamuud
2. In golaha shacabka parlamaanka aysan ogolaan in xukuumada cusub ay gudubto
3. In rido madaxwayne xasan sheikh lana magacaabo madaxwayne ku sime ah illaa 2016