Dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa saqdii dhexe ee xalay illaa aroortii saaka ku dhexmarayay deegaanka Arbacow oo ku dhow deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho dagaalkan oo u dhexeeyey ciidamad dowladda oo garabsanaya kuwa AMISOM iyo Al-shabaab.
Iska-horimaadkan oo aan la ogeyn illaa hadda khasaaraha ka dhashay ayaa la sheegay inuu ahaa mid culus, iyadoo dadka ku nool deegaanka Ceelasha Biyaha ay sheegeen in tan iyo xalay ay maqlayeen hubka labada dhinac ay u adeegsanayeen dagaalka.
Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay in dagaalkan uu yimid kaddib markii ay xoogaggoodu jihooyin dhowr ah ka weerareen saldhigyo ay ciidamadu ku lahayaeen deegaanka Arbacow oo dhinaca Koonfureed ee Ceelasha Biyaha ku yaalla.
Ma jiro wax khasaare ah oo ay Al-shabaab sheegtay inuu dagaalkaas kasoo gaaray iyo tirade khasaaraha ay geysteen, iyadoo sidoo kalena aysan jirin wax war ah oo kasoo baxay dhinaca dowladda Somalia iyo AMISOM oo ku aaddan dagaalkan.