Reysulwasraare Cumar cabdirashiid oo Ugu Baaqey Bangiyada Dalka Mareykanka In Ay Ka Laantaan Go,aanka Lagu Xirayo Xawaaladaha

0
76

SharmarkeRa’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa ugu baaqay bangiyada dalka Mareykanka in ay ka laabtaan go’aanka ay ku xirayaan xisaabaadka xawaaladaha Soomaalida ee dalka Maraykanka.

Waxana uu sheegay in shacabka Soomaaliyeed intooda badan ay noloshoodu ku tiirsan tahay adeegga Xawaaladaha oo ay lacago usoo marsiiyaan eheladooda ku nool dibadda.

“Lacagaha ay soo diraan Soomaalida ku nool dibadda, ayna fududeeyaan bangiyada Mareykanka, waxa ay u tagtaa qoysas iyo caruur la tacaalaya nolol adag. In badan oo Soomaali ah ayaa ku tiirsan adeega ay u fudiyaan Xawaaladahu” ayuu yiri Sharmaarke.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay dareensan tahay walwalka Bangiyada ee ah la dagaallanka dhaqdhaqaaqyada sharci darada ah, xalaaleeynta lacagta dambiyada laga sameeyo iyo argagixisada, laakiinse uu horseedi karo go’aanka Bangiyada dhibaato kale oo bini aadamnimo oo dalka soo food saarta.

“Go’aanka Bangiyada Mareykanka ee ah in uu xirayo xisaabaadka bangiyada ee shirkadaha xawaaladaha lacagta waa in dib loo eegaa maxaa yeelay tani waxa ay marmarsiiyo la’aan dhibaataynaysaa Soomaaliya oo dhan”.ayuu yiri RW Cumar.