
Odayaasha deegaanka ayaa sheegay in saxada oo liidata, helitaanka biyaha oo adag,Wadooyinka oo xir xiran iyo goobo Caafimaad oo aan ka jirin deegaanka in ay sabab u tahay in dadka u badan Haweenka uurka leh iyo Caruurta da,doodu ay ka yar tahay shanta sanno in ay u dhintaan Xanuuno la xariira dhiig bax,Shubanka iyo Malaariyada.
Hilowle Maaxamed oo ah G/ku xigeenka Deegaanka Geriley ayaa Wadajir u sheegay dhibaatada ugu daran dadka deegaanka ay qabaan in ay ugu weyn tahay Dumarka oo xilliga dhalmada u dhimanaya dhiig bax iyo Caruurta oo Cudurka shubanka u dhimanaya,halka tiro ka badan ilaa 30 ruuxna ay u jiifaan Xanuuno,mana jiraan ayuu yiri Wax goobo caafimaad ah oo ka furan deegaanka,marka laga reebo Hal MCH oo bixiya Kaniiniga Madax xanuunka.
Hilowle ayaa waxaa uu intaasi ku darey halka ugu dhow oo ay Daawo iyo dhaqaatiir ay ka heli karaan in ay tahay degmada Wajeer ee Gobolka W/Bari kenya oo geriley u jirta ilaa 120 km,taasina mar mar waxay keentaa safarkaasi dheer aawadeed in haweenka ay dhexda ugu dhintaan dhiig bax,waxuuna Codsadey deegaanka in laga hergeliyo Xarumo Caafimaad oo wax loogu qabto bukaanada kale gedisan.
Sidoo kale Shire Cabdi xasan oo ah Madaxa Qeybta Caafimaadka Gobolka Gedo ayaa Wadajir u sheegay in ay la socdaan dhibaatada caafimaad daro ee ka taagan Deegaanka Geriley, ayna ku talo jiraan sidii gurmad daawo loola gaari lahaa,isagoona sheegay dhibaatooyinka la xariira Umul raaca Dumarka iyo xaga shuban biyoodka Caruurta oo ka dilaacay Deegaankaasi in ay sabab u tahay adeeg la,aanta caafimaad ee ka jirta Deegaankaasi.
Inta badan Tuullooyinka hoos taga degmooyinka Gobolka Gedo malaha isbitaalo ay dadku ka heli karaan daaweyn, wuxuu keliya ee degmooyinka qaar laga heli karo ayaa ah xarun yar oo hooyada iyo dhallaankana lagu xannaaneeyo oo ay maamulaan rrurka Bisha Cas ee Soomaaaliyeed, taasoo aan dabooli karin baahiyaha caafimaad ee bulshada degmooyinka qaar iyo tuullooyinka ku xeeran.